Stefan Löfven: Muslimiintu waa muwaadiniinta Sweden iyo asxaabtayda

10

Raysal wasaaraha cusub ee Sweden Stefan Löfven ayaa shalay dood kulul oo dhex martay isaga iyo gudoomiyaha xisbiga cunsuriga ah ee SD Jimmie Åkesson u sheegay sababta uusan ula shaqaynayn. Åkesson ayaa ka xumaaday in uusan Löfven dooneyn in uu wax wada shaqayn ah la yeesho xisbigiisa.

Stefan Löfven oo u jawaabay Åkesson ayaa ku yiri “Waxaad Muslimiinta Sweden ku tilmaamtay in ay yihiin qatarta ugu weyn ee ku soo wajahan Sweden, waxaad la barbardhigtay Hitler. Muslimiintu waa muwaadiniinta Sweden, qaarkood waa asxaabtay iyo dadka aan wada shaqayno. Sidaas darteed ayaanan kuula shaqaynayn”.

Jimmie Åkesson ayaa digniin u jeediyay Löfven ku aadan in dowladiisa ay noqon doonto mid aan wax qabad lahayn haddii uusan isaga la shaqayn, isagoo muujiyay in Löfven uusan haysanin aqlabiyada baarlamaanka. Löfven ayaa dadka u codeeya SD u sheegay in uu dareensanyahay dhibaatooyinkooda balse SD aysan xalka.

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here