Stockholm: Dibad bax looga soo horjeedo cunsuriyiinta Islaamka neceb

Sidii aan soo daabacay bishii Juun, waxaa magaalada Stockholm ka dhici doona isku imaad ay yeelanayaan cunsuriyiinta Islaamka neceb oo isaga yimid daafaha Yurub iyo Aduunka. Maalinta sabtida ee soo socota (4 Augusti) ayaa cunsuriyiintu isugu soo ururi doonaan magaalada Stockholm si ay u abuuraan waxa ay ugu magacdaren “Global counterjihad network”.

Hadaba ururada kale ee cunsuriyiinta neceb ayaa iyaguna qorsheynaya in ay dhigaan dibad bax looga soo horjeedo cunsuriyiinta oo isaguna ka dhici doona Stockholm 4 Augusti. Dibad baxaan oo loogu magacdaray “STOPPA EDL – Breiviks fotsoldater” oo macnaheedu yahay “Horistaaga EDL – ciidamada Breivik”. EDL waa ururka cunsuriga ah ee ka dhisan ingiriiska. Breivik waa ninkii xasuuqa ka geystay Norway sanadkii hore.

Hadaba waxaa loogu baaqayaa akhristayaasha Somaliska ee ku nool Stockholm iyo agagaarkeeda in ay ka qeyb qaataan dibad baxa looga soo horjeedo cunsuriyiinta, kuwaas oo cadeystay naceybka ay u qabaan Muslimiinta iyo Soomaalida. Ururadaan cunsuriyiinta ah ayaa waxaa casuumay xisbiga SD ee ku jira baarlamaanka Sweden. Anigu waan iska xaadirin doonaa goobta.

Isku soo baxa ayaa ka dhici doona magaalada Stockholm, Adreeska: Norra Bantorget, saacadu markay tahay kl. 13.00. Wixii faahfaahin dheeri ah waxaa ka heli kartaa boggaan http://stoppaedl.org/ ama bogga Facebook: https://www.facebook.com/events/464418976910774/

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. Hoyo murgon says:

    Asc/dhaman, intas kadib walala yal ankaso wada qeybgalno wa,ino farxade, in an tusno shacurta an kagaso horjedno dhagarta ey no malegayan cunsuriyuntu, mida kale jimcale malaga yaba in ey dhaq dhaqaqa dhaman sweden samen ukuyeshe mudaharadkan cunsuriga ah tan,2aad walale wax wara malaga haya arimaha socdalka ayantan wa shib sewax ujiran walale ada dhan nojiraye mahadsanit

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. Ifka says:

    Asc, intas kadib WALAL,JIMCALE, MUDAHARADKA WANU KASOQEB GALEYNA HADU ALLAAH,IDMO E SIDEY USHEKTAYBO HOYO MURGON, MAXA AYANTAN HELEY ARIMAHA SOCDALKA BISHI JULAY O DHAN MUWDUC YADADA KUMADAN SOQADAN WAX ARIMAHA FAMILADA AH WAN DAREMI KARNA LKN DADALKAGI HORE LABO LAAB, WALAL ADO MAHADSAN, WAYO WAXAT SOMARTAY MARXALADO KALADUWAN, O HADANA KALA DHIB BADANA WAXAD NA MODA HADA IN AD KUGULEYSATAY HALGAN KAGA DHERA E DHAMEYSTIRO ALLAHA KULA GARABGALE MAHADSANIT,

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. Ahmed says:

    Mahadsanid sxb waan Ka qayb gelayaa InshAllah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. Ali omar says:

    Muslimiinta iyo Soomaalida mahinecunsuriyiinta, wahay ka so horjeedan sogoolotigodan weeyan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. saciid says:

    asc all ali omar muslimiinta iyo somalidu wadanka ma iyaga iskaleh waa adiga leh cunsurinyiintu somalida iyo muslimeenta manecbee midakale somalida iyo muslimiintu saw soogoloti sawmaha all hahahahahahahahahhahahaha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Doonyaale says:

    Gar Uma Lihi , Inaan nimaan Dalkiisa Ugu Imid Ku MUDO HARAADO- Isago Dalkeeyga Iiga DHOOF wuu i dhihi karaa , haba isoo dhaweeyaan qayb iyaga (Swedhishka )ka mid ahe…..

    Ra’yigeyga Hala Yaabin waa sidaa sida ila saxsane….

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  7. Mooryaan yaqaan says:

    HORTA CUNSURIYAD MA AHANE WAX KALE MA SOO QORI KARTAAN MIYAAH ,,, INTAA CUNSURIYAD KU MASHQUULAYSAAN ,,, WAX BARTA MARKAAS ,, CUNSURI WAA LAGA HOR TAGI KARAA ,,,,, TEEDA MAWDUUCYADAAN CUNSURIYADA WAXAA DHAAMA MAWDUUCYO AQOON KORARSI AH IN LAGU SOO BADALO ,,,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  8. oday somaliyeed says:

    waxaan uga qaybgalayaa xagga niyada madama aan ujiro meesha uukadhacayo 3000klm lkn waxaan layabanahay yuhuudu maxay nimankaan ula socdaan sowkuwii 6milyan kalaayay mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. somaalidhaba says:

    asc walalayaal inta isku haysata inay yihiin swedish ha iska joogeen inta soo galootiga ah ama muslimka la neceb yahay ahna ha timaado meesha waa sidaas sida ku qoran meesha waqti ayaa la galiyey in lasoo qoro thanks jimcaale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1