Stockholm: Kirada guryaha gacanta labaad oo cirka isku shareertay

16

Kirada guryaha gacanta labaad ee magaalda Stockholm ayaa cirka isku shareertay bilihii la soo dhaafay ka dib markii wax laga stockholmbadalay sharciyada kireynta guryaha. Bilihii ugu horeeyay ee sanadkaan ayaa kirada guryaha gacanta labaad waxay korortay ilaa 20% taasoo ah siyaado aad u sareysa.

Arintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii dowlada Sweden ay isbedel ku samaysay sharciyada kireynta guryaha gacanta labaad. Sharciga cusub ayaa fududeeyay in kirada lagu kordhiyo guryaha, taasoo ay muuqato in dad badan ay ka faa’ideysteen. Waxaa sidoo kale aad u kordhay guryaha gacanta labaad ee kirada loo doonayo.

Magaalada Stockholm ayaa waxaa ka jidha guryo la’aan aad u ba’an taasoo ay sababtay baahida aadka u balaaran. Liiska guryaha gacanta kowaad ee magaalada Stockholm ayaa noqday mid aad u balaaran iyadoo dadka qaarkood ay sugayaan guryaha 6-8 sano. Haddii ay sii socoto kor u kaca kirada guryaha gacanta labaad ayay nolosha Stockholm ku adkaan doontaa dad badan oo hada ku jira guryaha gacanta labaad.

Haddii aad ku nooshahay Stockholm nooga waran xaalada guriga aad ku nooshahay iyo kiradiisa?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here