Stockholm: Nin labo sano ka badan mayd ku ahaa gurigiisa

Stockholm ayaa laga helay nin gurigiisa mayd ku ahaa labo sano. Ninkaan oo ay heleen shaqaalaha guryaha ayaa la sheegay in stockholmuu yaalay gurigiisa oo nadiif ah mudo 2 sano ah. Booliska ayaa arintaan ku tilmaamay mid ay sababtay dhaqanka bulshada Sweden.

Ninkaan oo la sheegay in uu ahaa 50 jir ayaan lahayn wax qaraabo ah isla markaana aan shaqayn jirin. “Waa arin aad looga xumaado. dadku waqtigaan isma daryeelaan. Ninkaan ma jirto cid u xiistay ama ka warqabtay” ayuu yiri Claes Björnefelt oo ka tirsan booliska Stockholm.

Waxaa cajiib ah in ninkaan aysan xitaa dareemin shirkada iska leh guryaha, sababtoo ah in kirada guriga toos akoonkiisa looga goosanayay bilkasta. Shirkada guryaha ayaa markii ay go’aansadeen in ay dayactiraan guriga ninkaan ayaa laga helay maydkiisa, booliska ayaa aaminsan in ninkaan uu geeriyooday sanadkii 2011.

Arintaan cajiibka ah ayaan ahayn midii ugu horeysay iyadoo ay horay u dhacday in dad waayeel ah guryahooda laga helay iyaga oo mayd ah mudo dheer ka dib.

Waxay muujinaysaa fashilka ku yimid bulshadaan casriga ah ee aan la noolnahay, iyadoo dadkii ay ilaabeen qiimaha ay leedahay qaraabada iyo familka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. mohamed says:

    subxanalaah waa wax lala yaabo bulshadu waa nin wlaiba naftii ayey noqotay taasina waxa keenay waxa weeyaan gaalnimada markaa hala is ogaado somaaliyey anagu dad muslöim ah ayeynu nahay asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. bashiir says:

    dadka is siweedhashka ah maaha dad bil.aadan sax aha!! waxaa leeyahaiin jiidhka bil.aadanka laakiinse waxaa leeyahaiin quluubta shaadanka! waayo waxaad arkaysaa qof ku leh hooyadii hon är dum i huvudet!! hon borde ta av livet!! maaha wax caadi aha takale marka uu qofka reerkood ka guuro baa la iska ilaababa qofkaas! sidaas baa ugu wacan dadka hadda jooga in is caawiniin oo is xasuusaniin aduunkii baa ka deba carareen!

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  3. Sam says:

    ilaahaygii dad islaama naga dhigay aa mahadaas leh inaaa lillah ilahow yaana weynin wax meydkeena astura.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. sumayo says:

    subxaanallaah, alxamdulilaahi ladii hadaanaa lihaadadiin. gaal aduun iyo aakhiraba silacaas ayeey kujirayaan. ninkaan waxaa dhici karta in dad uu dhalay aduunka joogaan, maalinkay 18 sano gaareena kadhaqaaqeen. alxamdulilaaaaaaaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. fartun ali says:

    Laakiin Ninkaan haduusan shaqeyn jirin ahayna beeshin sidee accountigiisa lacagta uga heleen shirkada guryaha yaa lacagta ugu soo shubi jirey taas waaye mida isweydiinta mudan 50jir haduu ahaa ma ahayn beeshin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0