Su’aalaha iyo Aragtida ku aadan Migrationsverket

152

Laanta Socdaalka ayaa ururka Sociala Missionen iyo bogga Somaliska ka codsatay wada shaqayn ku aadan in ay ogaadaan waxyaabaha ay tabanayaan Soomaalida, qaasatan arimaha mideynta familada. Isbuuca soo socda ayaan kulan la yeelan doonaa kaasoo aan jecelnahay in aan ugu bandhigno su’aalaha ugu muhiimsan iyo aragtida ay qabaan akhristayaasha Somaliska.com

Hadaba waxaan jeclahay in aad halkaan iigu soo qortaan waxyaabaha muhiimka ah ee aad jeceshihiin in aan u bandhigto Migrationsverket. Fadlan su’aasha qof kale horay u qoray haddii aad qabto u codee oo keliya ee ha soo qorin isla su’aashii. Su’aalaha waa in ay ku saabsanaadaan arimaha mideynta reeraha oo keliya. Arimaha dadka halkaan iska dhiibay kuma jiraan.

Jawaabaha aan ka helno iyo aragtidooda ayaan mowduuc ahaan u soo gudbin doonaa ka dib kulanka. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb gali doonaa Björn Berggren oo ka socda safaarada Sweden ee Addis Ababa.

Akhristayaasha qaar ayaa igu eedeeya in aanan ka jawaabin suaalahooda balse waxaa muhiim ah in aad ogaataan in aanan anigu u shaqayn Laanta Socdaalka, sidaa darteed marar badan ayay igu adagtahay in aan si sax ah uga jawaabo su’aalaha ku saabsan arimahaan. Waxaan filayaa in ay arintaan noqon doonto fursad aan jawaab uga helno su’aalaha aad qabtaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here