Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo Miisaaniyad dheeri ah ku bixineysa in Shaqo helaan Dad...

Dowlada Sweden oo Miisaaniyad dheeri ah ku bixineysa in Shaqo helaan Dad badan

0
Photo/Lars Schröder / TT

Dawladda Sweden ayaa doonaysa inay lacag badan ku bixiso Adeegga Shaqaalaynta Dadweynaha iyo taageeridda dadka bilaa camalka ah.

Miisaaniyadda sannadka dambe, wax ka badan 3 bilyan oo karoon ayaa lasoo jeediyay in dowlada ku darto.

In ka badan 190,000 oo qof ayaa ugu yaraan hal sano shaqo la’aan ahaa, sida uu sheegay xafiiska shaqada ee Sweden, ma jiro hadaf cusub oo ay dowladdu dejisay. 

“Saadaasha waxaan ku aragnaa in shaqo la’aanta muddada dheer ay hoos u dhici doonto,” ayay tiri wasiirka shaqada Eva Nordmark.

Dawladdu waxay kaloo soo jeedinaysaa waxyaabo kale, 1.5 bilyan oo loogu talagalay 14,000 oo goobo waxbarasho oo cusub kuwaas oo isku dari doona waxbarashada xirfadda iyo waxbarashada Luuqada Iswiidhishka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here