Home Wararka Maanta Leysinka wadista Gawaarida oo loo ogolaanayo Caruurta 16 sano jir-ka ah ee...

Leysinka wadista Gawaarida oo loo ogolaanayo Caruurta 16 sano jir-ka ah ee ku nool Tuulooyinka Norway

0
Sawir: Gorm Kallestad / NTB

Si looga dhigo mid soo jiidasho leh dhalinyarada ku nool tuulada, guddi ayaa soo jeediyay in hoos loo dhigo xadka da’da ee shatiyada wadista oo laga dhigo 16 sano. Maadaama Caruurta ay ku noolyihiin tuulooyin

Guddiga khabiirka waxaa gudoomiye ka ah Victor Normann. Warbixinta uu siiyay Wasiirka Linda Hofstad Helleland (H) jimcihii, waxaa jira talooyin dhowr ah oo loo jeedinayo dowlada oo ku saabsan sida loo yareeyn karo qulqulka badan ee tahriibka ee min tuulo ilaa magaalo.

Mid ka mid ah qaybaha talobixinta ayaa ah in loo fududeeyo dhalinyarada inay qaataan leysisnka.

– Waxaan soo jeedineynaa in carruurta 16 jirka ah ee degmooyinku ay fursad u helaan inay ku helaan liisanka darawalnimada baabuur. Tani waa inay noqotaa qorshe tijaabo ah waana inay sii baaraan hay’adaha taraafikada. Ujeeddada oo dhan ayaa ah inay sahlanaato inaad la xiriirto saaxiibo iyo waxqabadyo firaaqo ah iyadoon loo eegin inaad ku nooshahay Grünerløkka ama tuulo buur. Dhallinyaradu waa inaysan dareemin inay ku go’doonsan yihiin tuulada, ayuu Norman oo la hadlay VG.

Maanta, carruurta 16-jirka ah waxay ku tababbaran karaan oo keliya wadista baabuurka, marka uu qof wehlinayo sida ku xusan xeerarka faahfaahsan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here