Wasiirka Socdaalka: Kuma talo jiro in Soomaalidu baasaboorka ku qaadato 5 sano

8

Amir Adan oo ah xildhibaan Soomaali ah oo ka tirsan baarlamaanka Sweden ayaa wasiirka socdaalka Morgan Johansson su’aal ka waydiiyay sababta ay Soomaalidu u sugayaan baasaboorka 8 sano halka ummadaha kale ay ku qaadanayaan shan sano. Amir ayaa wasiirka ugu baaqay in sharciga wax laga badalo si dadka oo dhan ay shan sano ugu qaataan baasaboorka oo aan shaqsiyaadka wax kasta oo awoodooda ah sameeyay aan la cinqaabin.

Wasiirka ayaa ku jawaabay in ay muhiim tahay in qofkasta uu cadeeyo aqoonsigiisa isla markaana kuwa aan cadeyn karin ay macquul tahay in lagu xiro shuruudaan oo ay sugaan waqtiga inta laga aamini karo aqoonsigooda. Waxa uu sheegay in qaadashada baasaboorka ay muhiim tahay isla markaana qofkii dhalashada si qaldan lagu siiyo aan laga ceshan karin.

Sidaa darteed ayuu sheegay wasiirku in uusan xiligaan ku talo jirin in wax isbedal ah uu ku sameeyo arimaha la xiriira qaadashada baasaboorka. Jawaabtaas ayaa dhabarjab ku ah Soomaalida rajaynaysay in dowlada hadda maamusha Sweden ee isugu jidha xisbiga Socialdemokraterna (S) iyo Miljöpartiet (MP) ay noqdaan kuwo arintaan wax ka badalaya. Amir Adan ayaa ka tirsan xisbiga Moderaterna (M).

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here