Home News in English Saddex Caruur oo walaalo ah oo lagu dilay gurigooda Magaalada Dublin

Saddex Caruur oo walaalo ah oo lagu dilay gurigooda Magaalada Dublin

0
Photo/Tomas Oneborg/SvD/TT/Johan Nilsson/TT

Labo mataano oo siddeed jir ah iyo walaashood oo ka weyn ayaa meydkooda laga helay gurigooda magaalada Dublin saacadihii hore ee Axadda shalay. Waxaa goobta lagu qabtay nin 25 jir ah oo reerka aqoon u leyihiin.

Subaxnimadii Axadda, nin 25 jir ah ayaa weeraray qoys ku sugnaa gurigooda oo ku yaalla Tallaght, Dublin. Ninkan ayaa loo malaynayaa in uu reerka xiriir la lahaa balse lama garanayo sida uu yahay xiriirkaasi.

Labada mataano ee Chelsea iyo Christy Cawley oo 8 jir ah iyo walaashooda ka weyn Lisa Cash oo 18 jir ah ayuu ninkani toori lagu dhuftay

Sidoo kale waxaa weerarkaas ku dhaawacmay wiil 14 jir ah oo la dhashay. Wiilka ayaa weli lagu daweynayaa isbitaalka isagoo qaba dhaawacyo halis ah, Hooyada dhashay caruurta ayaan wax dhaawac ah kasoo gaarin weerarka.

Ninkan 25-jirka ah ayaa lagu xiray guriga dhexdiisa, sida uu qoray Irish Mirror.  Ilaa hadda lama oga sababta ka dambeysay dilka saddex caruur

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here