Home Wararka Caalamka Wargelin muhiim ah oo ku socota Soomaalida Belgium, Netherlands iyo Germany Soomaalida...

Wargelin muhiim ah oo ku socota Soomaalida Belgium, Netherlands iyo Germany Soomaalida Belgium, Netherlands iyo Germany

0
Photo/Jessica Gow / TT

Waxaa lagu wargelinayaa  dhammaan Soomaalida ku dhaqan waddamada Netherland, Belgium iyo Germany inuu socdo abaabulka bannaanbax ballaaran oo ka dhici doono Magaalada Denhaag ee waddanka Netherland, bannaabaxaas oo noqon doona mid lagu cambaareynayo damaca ay Itoobiya ku dooneyso in ay ku boobto badda Soomaaliya.

Bannaanbaxan waxaa qabanqaabinaya dalladda isutagga ururada Soomaalida Netherland ee magaceeda loo soo gaabiyo FSAN.

Bannaabaxa, waxaa lagu wadaa inuu dhaco Maalinta Jimcada ee bisha Febraayo ay tahay 16 sannadka 2024, saacadu marka ay tahay 15:00 (Saddexda galabnimo) ilaa 18:00 (6-da galabnimo), goobtuna waa Carnegieplein.

Guddiga maamulka FSAN, ayaa u xilsaaray Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN Cabdulqaadir Cali Nuune, inuu hormuud ku noqdo abaabulka iyo isku-dubaridida bannaanbaxa.

“Waxaan muujineynaa dareenkeena annaga oo middeysan; Maalintaas waxeey noqon doontaa maalin ay waajib ku noqoneyso muwaadin kasta oo Soomaali ah ee awoodi kara inuu yimaado fagaaraha Carnegieplein inaan laga waayin,” ayuu yiri Cabdulqaadir Nuune.
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here