Home Wararka Caalamka Darawalo Taksiilayaal ah oo Qarka u Saaran in laga Ceshto Kaarka Wadista...

Darawalo Taksiilayaal ah oo Qarka u Saaran in laga Ceshto Kaarka Wadista ”4000 oo taksiile ah ”

0

ku dhawaad 4000 oo taksiile ah ayaa qarka u saaran in laga ceshto Sharciga Wadista ee Taksiyada kadib markii ay Dowlada ku soo rogtay Sharuudo adag oo aysan ka bixi karin Darawalada taksiilayaasha ah.

Sharuudaha waxaa kamid ah in Darawalada Taksiga ay bixiyaan 57,000 kr oo lacagta Norway una dhiganta 5,000 Euro taasi oo dowlada ku sheegtay lacag Ceymis ah oo dowlada ku soo rogtay.

Dowlada ayaa dhanka kale waxay Darawalada ku soo rogtay inay bixiyaan 28,000 kr kaar walbo oo dhanka taksiga lagu kaxeeyo madama ay Darawalada heestaan kaarar kala duwan tusaale hadii qofka uu heesto 3 kaar waa inuu bixiyaa 113,000 kr.

Darawalada ayaanan awoodin bixinta lacagtaasi waxana 4000 kun oo Taksiilayaal ah ay qarka u saaranyihiin in kaararka laga wada ceshto madama aysan bixin karin.

Maxaa Sabab u ah Sharuudaha

Dhawaan Shirkada Tagaasida ayaa gudbiyay cabasho ku aadan in ay bateen Darawalada Takaasida kadib markii ay dowlada fududeesay sharuudaha lagu qaato kaarka Taksiga iyadoo laga duulayo arintaasi dowlada ayaa mar kale soo rogtay sharuudahan.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here