Sunta Nukliyeerka Japan oo soo gaartay Sweden

4

Sunta ka dhalatay dhulgariirkii iyo qaraxyadii ka dhacay warshadaha nukliyeerka ee dalka Japan ayaa soo gaartay Sweden ayadoo magaalooyinka Stockholm, Kiruna iyo Umeå laga cabiray suntaas. Balse waxaa muhiim in la ogaado in cabirka suntaan aysan waxba u dhimi karin dadka iyo cimilada maadaama ay aad u yartahay.

“Sidaan filaynay, waxaan cabirnay sunta ka dhalatay qaraxyadii warshadaha nukliyeerka Japan. Balse cabirka waa mid yar oo aan wax khatar ah ku ahayn dadka” ayuu yiri Leif Moberg oo ka tirsan Laanta Amniga Sunta Nukliyeerka (StrÃ¥lsäkerhetsmyndigheten).

Cabirka sunta ugu badan ayaa laga dareemay Stockholm ayadoo cabirka uu gaarayo 0.3 ayadoo Laanta Amniga Nukliyeerka ay sheegtay in aysan wax saameyn ah ku yeelan karin nolosha.

Laanta Amniga Sunta Nukliyeerka (Strålsäkerhetsmyndigheten) ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto cabirka bulshadana la socodsiin doonto haddii khatar ay jirto.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here