Suntii qabiilka oo soo laba kaclaysay

28

Bilihii u dambeeyay waxaa fadhi ku dirirka Soomaalida ku soo kordhay arimaha siyaasada ee salka ku haya qabyaalada. fadhi-ku-dirirQaasatan arimahaan ayaa ka dambeeyay ka dib markii la doortay dowlada Cusub ee Somalia iyo markii la qabsaday magaaalada Kismaayo. Inkastoo uusan boggan Somaliska ku saabsanayn arimaha siyaasada Somalia isla markaana uu aad uga fogyahay qabyaalada ayaa hadana waxaa cajiib ah in qaar ka mid ah akhristyaasha ay cadiifadooda qabiil la yimaadeen halkaan.

Si aan ugu kuurgalo cadiifadaan iyo halka ay salka ku hayso ayaan waxaan beryahaan tagay goobaha ay Soomaalidu ku fadhi ku diriraan ee ku yaala xaafadaha Stockholm sida Rinkeby iyo Tensta. Waxaa ii soo baxday in heerka ka hadalka qabiilka uu aad u sii kordhay marka loo barbar dhigo sanadkii hore. Waxay dadku carabka ku hayaan qabiilaysiga, sida gobolada loo kala leeyahay, dhacdooyinkii sagaashankii iyo waxyaabo kale oo macno daro ah.

Waxaa cajiib ah in sanadka 2013 ay dib u soo laba kaclayso qabyaalada oo aan ognahay halka ay dhigtay wadankeenii. Waxaa ka sii daran in dadka qurbaha ku nool oo ka soo cararay wadankii ay halkaan hadalo macno daro ah la fadhiyaan. Iyagoo cadiifada iyo qabyaalada dib ugu abuuraya shacabka Soomaaliyeed ee ka daalay Viruska lagu magacaabo Qabiilka.

Anigu ma difaacyo dowlada, madaxweynaha iyo siyaasi kale midna, balse fikradaydu waxay tahay in wixii ay dadku tabanayaan lagu xaliyo si qurxoon oo aan dib loogu laaban wasaqdii qabyaalada. In aysan dadku dhagaysan hadala raqiiska ah ee siyaasiyiinta kursi doonka ah ee ka shaqeeya isku dirka si ay damacooda ku gaaraan. In aan dhag jalaq loo siin hadala been abuurka ah ee lagu qoro websiteyada magacdoonka ah. Danta Soomaalidu waxay ku jidhaa in ay candhuuf indhaha kaga tufaan midkii la yimaada “aniga oo reer hebel ah , iyo reer hebel ayaa sidaas ah, iwm”.

Qaasatan waxaan uga digayaa dadka akhrista boggaan ee fikradaha ku qora in ay ka dheeraadaan qabyaalada iyo xumaanka. Boggaan waxa uu u adeegaa dadka af-soomaaliga ku hala ee ku nool Sweden, waa isugu kaaya mid kan ka soo jeeda Jabuuti, Waqooyi, Koonfur ilaa Kenya. Fadlan ha la imaan halkaan eedeymo ku wajahan qabiil ama sida qabiilkaaga uu laandheere u yahay!!

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here