Suuq Soomaaliyeed oo laga furay magaalada Norrköping [Video]

Jimcadii ayaa magaalada Norrköping waxaa laga furay suuq ganacsi oo ay yeelan doonaan haween Soomaaliyeed. Goobtaan oo loogu magacdaray Kameltorget ayaa noqoneysa meel laga helayo adeegyo kala duwan iyadoo hada laga furay dukaan cunto iyo dharka lagu iibiyo iyo xawaalado.

“Waxaan qaadeynaa talaabo talaabo, ka dibna waan soo buuxineynaa” ayay tiri Fatima Mohamud oo ah gudoomiyaha Kameltorget oo ah urur dhaqaale.

Hawshaan ayaa ku bilaabatay mashruuc ay sameeyeen maamulka gobolka (länsstyrelse) kaasoo loola jeeday in lagu hormariyo haweenka soo galootiga ah kuwaasoo doonaya in ay ganacsi abuuraan. Qaasatan mashruucaan ayaa loogu talagalay haweenka Soomaalida.

Suuqaan ayaa waxaa ganacsi ku yeelan doona 11 qof kuwaasoo la sheegay in ay tusaale u noqon doonaan dumarka kale, adeegyada lagu soo siyaadin doono suuqa ayaa waxaa ka mid noqon doona goobaha cilaan saarka iyo timojarka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

29 Responses

  1. Bashiir Cali Abuxudayfah says:

    Waa Arin wanaagsan , Ganacsiga yar yar Soomaalidu caan ayay ku tahay , wadankaan ayaase Sharciyadiisa adagyihiin suuragalnimada adkaynaa …… Waaaaanse Dadaalaynaa Inshaa’Allah

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  2. Aduun iLaah says:

    Mashaa allah ilaahay ha ubarakeeyo shartiisana haka xijaabo waan arin kudayad leh

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  3. hasan hilaal says:

    waa ariin wanaagsan oo ku dayasho mudan masha alah

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. dalmar says:

    as ckm aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay barnaamijka ganacsiga ah ee ka bilowdey nörköping ,waa arin ku dayasho mudan maashaa allah ,mar hadii ey hawenkaga ey bilaabeen ganacsi taasi waxey meesha ka saarey dhibaatdii ey isku qabeen raga iyo hawenka oo ey mar weliba ay isku dagalayeen ceyrta ka dhaxeyso labadoda oo ah bornbdrag ,iyo ayuutada hablaha ee isku direy familada

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. Saciid Cabdi says:

    Waa arin aad loola dhaco, gabdhaha soomaaliyeedna sanadadan dambe ayagaa u qalma in ay matalaan soomaali-nimada “dumar waa shaqo ragna waa sheeko” markii loo fiirsho sanadadii dambe soomaalida dhexdeeda.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. mohamed aweys mohmed says:

    asc dhamaan bahda somlisaka
    waa arin wanaagsan in maanta suuqa somliyed
    la furo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. HASSAN KAAMILL says:

    asc somaliweyneey sln bacdigeed waa fikir saliim ah in lashaqeesto ooo dadka la tuso inaan ganacsi cid naga badisaaa jirin lkn waqtigu na ciilaaaayo oo anaan awoodin shuruudaha adag ee wadaaanklaaaan hadane waaa in dhaqaaq lamoojiyaaaa ileeyn bulsho aan kala roooneeyn bulsha maaahan soomalidaan soo kubca ayaaan leyhay kuwa kawaaweyne waan idin ka sugeeynaaaa insh,alllah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  8. abdi yare says:

    wow masha allah wlhi arinkan waa arin aad ufar xad badan cawineysana sogalootiga qasatan dadka somaliyed oo wadan sverige oo an ku nolnahay laga aamin san yahay in somalida ay ku yar yihin is dhaxgalka bulshada iyo xaga shaqada midanina waxey mesha kasaareysaa in somalida ay tahay mid utagan horun markasta oo ay sameyaa aniga ahaan waxaa somalida kunol sverige melkasta haka jogane in ay kasameyaan dagana dooda arinkan oo kale ayna mu jiyaan dagaal dheraad ah kuna daydaan dadka rer norrköping insha allah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  9. Aden says:

    waa arin wanagsan somalidu mahan dad ku fiican saqada kali socodka ee waa dad ku fiican shaqada suuqa sida meelaha sixnada leh oo lagu gado dharka iyo raashinka iyo qalabka guud lkn hadii ladhoho hooyo 58 yir svenka baro mahan arin fudud waaa arin fiican huball arintan waxay keeni doontaa in aan lawareegno ganacsiga sweden waan hubaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. Ahmed says:

    way isku qabsadeen oo waa laxiray allow yaysan noogu xigin. ee kayeel kuwo lagu daydo oo horseed u noqda umadan caas caastay.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  11. Deeqo says:

    waaaaaaaaaaaaw waa arin aad & aad u wanaagsan inay noo soo kaceen gabdho somaliyeed oo ganacsadayaal ah hadanu nahay reer Norrköping , waxayna noo tahay dhiirigalin balaaran waxana balanqadayaa anigana inaan kusoo biiridoono ganacsiga kaso ifbaxay magaladeena Norrköping,idinkana waxan idin leeyaahay halkaa kasii wada alahana idinla garabgalo aamiiiiiiiiiiiiiiin.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. Idman says:

    Asalaamu Caleykum.

    WoW… Waan ku faraxsanahay hormarka ay sameeynaaya Dumarka Soomaliyeed!
    Hal qof oo Somali ah wax wanaagsan ahaddu sameeyo Soomali oo dhan ayuu u sameeyay 🙂

    Jag så Stolt över dem! Thumb up 🙂

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  13. mohamed says:

    Waa arin aad iyo aad u wanaagsan lakin waa in suuqa laga yareeyaa gidaar taag taagida iyo qaylada si qoomiyadaha kale ay wax inooga iibsan karaan hadii kale suuqu waxa uu noqon donaa sida maqaaxiyaha somalida ee somalida oo kaliya wax ka isticaasho , taas waxa keenay buuqa iyo meelaha maqaaxiyaha ku dhow dhow oo dadku ay istagaan plz

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. MACOW says:

    ASC Dhamaantiina, Run ahaantii waa Arin lagu farxo oo la dhihi karo horukac muuqda oo xitaa dadka wadankan aan la noolnahay oo qaarkood fakarka qaldan naga haystay dareemayaan in aan ahayn dadka ay na moodeen, waxaan walaalaha is biirsaday oo aad u dadaalay dhihi lahaa Ilaahay qeyr ha idin kaaga dhigo, Waxa xuna alaha idinka xijaabo, Wixiinana Alaha idin Barakeeyo.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  15. ayaan says:

    asc dhamaan waa arin wananaagsan kudaydasho mudan talaabo hormar ah waaye walaha allaha ubarakeyo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. mohamed cabdullaahi mohamed says:

    waaaw masha allaah waaye anigoo fikir keega kadhiibanaayo waxaana jogaa wadanka bilgium ama biljimka waa arin lagu farxo aad iyo aad uween waxaana lee yahay ganacsi wanaag san hawaeenta meesha leh ilaahana ha ubareekeyo aan lee yahay walasheena somaliyeed

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  17. Ada dalayo says:

    hahah tjejen de känner lite glädje 🙂 men i sverige man få inte glädje att gör nånting :)<- det är skit samma -:) öppna butik eller sitta hemma likdant soft popatis :)de kommer ångra pengar som de har tagit i swedbank haha:)det kommer blir ränt efter ränt < stackars 🙂 i alla fal Adjö

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  18. maxamed says:

    waxaan ku dar san lahaa dadlkaan la wado inaysan hoos u dhigimn soomalida jogta meeeeeeeeeeeel waliba waxan kula talin laha wada jir isku qaaaaaaaaaaaaaaaaaaab sada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  19. abdikafimatan says:

    waa arin wanaagsan waxay arki doonaan bulshada isweedishka ah oo noo haysto dad aan waxba qaban karin oo baadiyo kasoowada carary in aan leenahay xadaarad wayn oo xaga ganacsiga ah hadii arimaha saas cml loo furfuro way yaabi doonan dadka soomalida waxa xun kaqoro

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  20. musadaq says:

    wey wanaagsan yihiin hawenkan alaha ubarakeeyo
    waxaase fiicnaan laheyd iney ganacsiga inuu ahaado mid laga ilaaliyo buuq iyo kala shakin waxaana taas ii dheer iney hawenka lae kabaqan salaada soonka sekada eey iska bixiyaan wixii aan laga sekeyn mabarakeysmaan
    alahana tusiyo xaqa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  21. casho abdi says:

    waan kaa helay gabdhaaha somaliyed dhaqdodaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  22. ali-burco says:

    Kamel tårget,, macnaheedu wa suuqii geela.
    kakakka
    suuqu wa suuq reer miyi yacnii
    waxaan odhanlahaa kala fogaada meesha cadowbaa joogee laysma urursado oo magaalada aya laka galaaye waayo bulshada hadaad iska soocdaan waa laydin arkayaa,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  23. yasmin tahlil haji ahmed says:

    ugu horeyn ilaah baa mahad leh ka dibna haweynkan somaliyed ee isu xil qaameyn in ey bulashadooda baahi tiraa waana ku faraxsanahay aad iyo aad ayaan idin ku hambalyeynayaa

    aniga ahaan ma dagani wadankan swden lkn dhow jeer baan imid magaldan norrkoping markana ma anan arag wax ey somali ledahay markan weydiyay walahey qaarki dagana magaladn bey iigu jawaben caasimada iyo magaloyin ka qaar waa laga helaa suuq somali ah waxaan ka mid ahay somalida ku nolol holland waxaana leeyahay mar kale hambalyo haweynkena noqda kuwo howshooda sii wadaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. muumin says:

    maasha allah maasha allah waan ku farxsan nahay maadaama soomaaliga eey ´magaceena kor u qaadeen waanna ku faraxsan nahay ilahey haka qabto wixii xun

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  25. bashiir says:

    maasha´allah waan ku faraxnay maadaama soomaalidu eey noo fureen meel wanaagsan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  26. khadro says:

    asc Run ahanti waa arin lagu farxo ahna in lagu daydo waan so dhowaynayaa fakarkoda waxan leyahay ha noqoninana kuwii isku noqda oo kal fiiga noqda kuwa isku duuban alahan ha idiin barkeyo xirfadiina masha llh tabaraka laaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  27. samsam says:

    Mashallah mashallah, ilaahy ha oo siyaadiyo.Hoppas vi får samma affärer här i småland också.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  28. iido says:

    maanshalaah waa arin aad u fican waxaan hubaa inay sii balaadhan doonto inshalaah waxanaan leeyahay dadaala intaas inka badan waa gaadhidiintaana midina waa iga waano waxaan odhan lahaa dhalinyarta ha la shaqaaleeyo iyo gabdho yar yar oo s wanaagsan u libisan si ay ishu uugu dhacdo marka wax la iibsanaayo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  29. Nuur says:

    Abaa saas aa la rabaa fadhiga halaga kaco!

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0