Suxufiyiin Swedish ah oo lagu maxkamadeynayo Ethiopia

17

Isbuucaan ayaa waxaa maxkamad la soo taagayaa labo suxufi oo Swedish ah kuwaasoo horey ciidamada Ethiopia ay ugu soo qabteen dhulka Ismaamulka Soomaalida iyagoo wehlinayay jabhada ONLF. Ethiopia ayaa sheegtay in raggaan lagu maxkamadeyn doono dambiyo la xiriira argagixiso iyaga iyo dhowr ka mid ah xubnaha ONLF.

Wasiirka Arimaha dibeda Sweden Carl Bildt ayaa lagu cambaareeyay in uusan si xoogan ula hadlin Ethiopia oo arintu hada ay faraha ka baxday. Raysal wasaaraha Ethiopia Melez ayaa wargeys ka soo baxa Norway u sheegay in raggaan aysan ahayn suxufiyiin balse ay yihiin argagixiso.

Dooda ka taagan raggaan u dhashay Sweden ayaa sidoo kale waxay tooshka dib ugu daareysaa dhulka Soomaalida ee Ethiopia halkaasoo dowlada Melez ay si joogto ah uga geysato tacadiyo bani’aadanimada ka baxsan. Wariyaashaan ayaa Ethiopia ka soo galay dhinaca Soomaaliya iyagoo doonayay in ay wax ka ogaadaan xaalada dhabta ah ee ka jirta dhulkaas. Ka dib dagaal dhexmaray ciidamada Ethiopia iyo ONLF ayaa lagu soo qabtay raggaan.

Sweden ayaa ka mid ah wadamada sida weyn uga saacida xaga dhaqaalaha dalka Ethiopia.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here