Sweden: Cunto Halal ku taalo oo doofaar laga helay

Qaar ka mid ah cuntooyinka lagu iibiyo dukaamada Sweden oo ay ku taalo calaamada Halal ayaa laga helay hilibka doofaarka. salamiBaaritaan ay sameeyeen quburo ka tirsan hay’ada la socodka cuntada (Livsmedelsverket) ayaa lagu sheegay in 99 cunto oo ay Halal ku taalo baaritaan lagu sameeyay, kuwaasoo 9 ka mid ah laga helay hilibka doofaarka.

“Waa mid aan la aqbali karin in cuntooyinka ay Halal ku taalo laga helo hilib doofaarka. Waxaa jira dad badan oo aan doonayn in ay cunaan hilibka doofaarka sidaa darteed shirkadaha cuntada iibiya waa in ay masuuliyad isi saaraan. Waxaan hada u gudbin doonaa hay’adaha midowga Yurub baaritaankeena, isla markaana shirkadaha ayaan baaritaan dheeri ah ku samayn doonaa” ayay tiri Louise Nyholm oo ka tirsan hayada Livsmedelsverket.

Cuntada laga helay doofaarka ugu badan ayaa waxaa ka mid ah nuuca loo yaqaan Salami. Salamiga oo ay ku taalo calaamada Halal ayaa laga helay ilaa 10% hilibka doofaarka. Cuntadaan ayaa la sheegay in ay soo samaysay shirkad ka dhisan wadanka Slovenia. Lama shaacin magaca shirkada iyo calaamada hilibka laga helay doofaarka.

Isbuucyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo baxday fadeexad balaaran oo ka dhacday inta badan wadamada Yurub. Wadamada Denmark iyo Germany ayaa ka mid ah goobaha laga helay hilibka doofaarka ee ay ku taalo Halal.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. DJ says:

    Asc sxb jimcale wad ku mahadsantahay mmowwduucyaad aad soo qordid lakin waxa ka maqan mowduucyadada isdhexkalka somalido sidi aay oo dhexkalilahayen wadanka iyo sooqa shaqada iyo waxbarashada si aay somalido dad kartileh oo noqadan bal iskuday dhinacana

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  2. DJ says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

  3. Doonyaale says:

    War Dadoow Allaah Uga Baqa Calooshiina waxaad gelineysiin , wallaah waa naloo yaabaa , oo sideebaa DUCADEENA loo aqbalaa , markaan 85% cuno waxaan ka SHAKISANAHAY ama waxaan cuni jirnay la yiri Doofaaraa ku jiray..

    Alle uga baqa calooshiina!!

    Haddaad Alle dartiis uga tagtiin waxa idin shaki geliya , waxaa Alle idinkugu bedelaa wax idinkaga fiican ,, GUUD ahaan waxyaaba shakiga idinkaga jiro iska daaya , sida
    Korven-Koorafka- Köttbullar-ka , Pizza med KEBAB, osv….

    Allaaaaaaah Allaaaaaah , dadoow calooshiina waxaad gelineysiin waxaa la idinka waydiinaa

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  4. Faa,id F.M says:

    Waa wax aad u xun in cunto xalaal lagu sheegay laga helo hilib Doofaar kuwaas nasiiib wanaag ma cuno hilib ari lee la,igu ogyahay iyo kan lo,aad iyo Kaluunka amba Malayga.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. mahad says:

    Su aal ayaa rabaa inaa iga jwbtiin . sweden ayaa hada imaaday .dacwad ayaa ku imaaday marka sweden wee i anfici weyday waxaa rabaaa inaa ka tago faraha safaarada leyga soo qaaday ma iga soo baxayaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  6. Xamar weyne says:

    Haa sxb faraha indhaha sanka xitaa dhegaha ineey soo baxayaan aan u maleynaa

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  7. sucaad naasir says:

    ilahow naga qabo dadkaan gaalada ah wax aan cuneyno manaqaanee wax kasto waan kacarareynaa doofaar dartiis ilaahayow wadankeena xalaasha ah nabad nooga dhig aan isaga tagnee halkaan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  8. maya says:

    to mahad maya kamaso baxayan wiil aan walalo nahay aya isdhibay waxana iska dhibay norwey lagamana helin ee wad iskaga tagii karta sweden hadi eey ku anfici weyday

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  9. Yaxye says:

    Asc aqyarey sual qasatan jimcale waxa no dacwoday abahen sweden jogo. Anaga waxa marnay DNA, bil ka dib aabe isagi lagama qadin waxa lo turay didma, waxana ladhahay ilmaha da’dooda qaladay, bis kiske maxkamada gottenborg lo gudbiyay maxkamadi 6bil aye naga amusned, hada aye so jwbtay waxena dhahday go’an didmada kuma racsanin, waxe kalo dhahday wa in nin cusub migrationka usamesa kiskaan wa nin weyn 70 jir wax wu qaldi karaa. Marka laga filan kara aqyarey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. kkkkkkkkkkkkk says:

    yaxye wa iga qosliyay maxad tiri ninka ogaanka garay wa odaay wayeela ilah kheyr ha ka keeno mesha kale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. cab says:

    Allah naga duwo Gaalo sharteeda wax bay ku siraan dadka muslimiintaa oo ah hilib doofaar oo ay ku soo qorayaan waa xalaal

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0