Sweden faa’iido dhaqaale miyaa ugu jidha qaxootiga?

Shalay waxaa dood xiiso leh ka dhacday idaacada Sweden ka dib markii haweenay cilmi baare ah oo lagu magacaabo Elin Örjasäter oo u dhalatay wadanka Norway ay dhaliishay siyaasada socdaalka ee Sweden, iyadoo ku tilmaamtay mid aysan runta ka sheegin siyaasiyiinta Sweden faa’iidada ay leeyihiin soo galootiga.

Waxay sheegtay in siyaasiyiinta Sweden ay sheegaan in qaxootiga ay faa’iido dhaqaale u leeyihiin Sweden balse quburada dhaqaalaha aysan taasi la qabin. Waxay intaas ku dartay in Sweden aysan aqoon fiican ula hayn dadka iska dhiibaya wadankooda isla markaana aysan runta ka sheegin qarashka ku baxaya qaxootiga.

Dooda oo ka dhacday Studio Ett ayaa lagu wareystay mid ka mid ah quburada dhaqaalaha Sweden ugu caansan oo lagu magacaabo Jan Ekberg isagoo sheegay in aysan faa’iido dhaqaale ugu jirin Sweden qaxootiga balse sababo kale ay dowlada Sweden u qaabisho qaxootiga, sida bani’aadanimada. Sidoo kale waxaa dooda ka qeyb galay Fredrik Federley oo ka mid ah xildhibaanada Sweden u fadhiya baarlamaanka Yurub isagoo sheegay in uu ku faraxsanyahay in Sweden aysan eegin dhaqaalaha keliya balse muhiimada ay siiso caawimaada dadka dhibaataysan.

Siyaasada soo galootiga ee Sweden ayaa ah mid si weyn uga duwan wadamada dariska ah ee Norway, Finland iyo Denmark, iyadoo Sweden ay qaabisho sadex jibaar ka badan qaxootia ay qaabilaan wadamadaas.

Inkastoo dowlada Sweden uu dhaqaale badan uga baxo soo galootiga, ayaa hadana waxay ka midyihiin shacabka wadanka, iyagoo faa’iido dhaqaale soo geliya wadanka balse waxaan la hubin farqiga  u dhexeeya qarashka ku baxa soo galootiga iyo faa’iidada dhaqaalaha ay soo xareeyaan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

18 Responses

  1. raage ali says:

    Sweden waa wadanka ugu deeqsisan Scandnavian-ka dhanka soo galootiga waana wadanka ugu ilbaxsan soo galootiga yimaada swedish-ku way ka dacadsan yihiin cunsuriyiinta finland norway dk swedish-ku wuxu casharku qaatay abaarti ku dhufatay qarnigi 15aad sidaasu uga bani aadamsan yahay kuwa kale swedish-ku waxay aad uga shaqeeyaan una lobby- gareeyaan nabadgelyada caalamka dhanka United nations ka waa dadka loogu aaminaada badan yahay sweden waa wadan abaal ku leh soogalootiga waana inay ugu gudaan sida ugu fiican noqda canshur bixiyayaal daacada buuxiya kaalinta uu wadanka idinka baahan yahay intii karaankiina kana dhexmuuqda horumarka iyo badbaadada Sverigge

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  2. 2 sano says:

    Ali aniga dacwada waa marki sedaxad an xarenayo wayo dacwada ugu horeso waxan xareeyay 2010 ka kadib sweden wey xermatay kadib waxan noqday singal kadib ninkeyga baa iyimid kadib canug ban dhalay kadib dacwad kale xareyay dhigane wey naga qaaden kadib ninkeyga dhiga malaga qadin waxey u sodiren diidmo xaskaga 2 sano ma isla nolen u dhahen kadib bishan setenbar 18 dacwad sedaxad xareenay dhigane wan marnay bishan 18 deeda lakin ninkeyga wali malaga qaadin lakin dadka hori is qabnay baa nahay ee bal raayi iga siiya hadane maxey noqon karta in ey na dhahan rayi iga siya ilaah baa qer ku maqan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. omar says:

    Sheekadii 2da sano maxkamadii weyneyd ayaa xal kagaartay. Weyna dhamaatay. Ninkaada hadaaba caruur isku leedihiin sharciga wu helayaa e waxba haka walwalin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. 2 sano says:

    Omar insha allah ilah inta murad leh alah u sahlo koley aniga bishan 18 deda dhiga marnay lakin wali ninkeyga malaga qadin dhiga insha allah mar dhaw wan rajeyneyna

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. MARWAAN says:

    2 sano Ninkaagu markaas ma kula joogaa walaalo mise waa kala maqantihin?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Ali abdalla says:

    Wax laydin ka faa iidayo maleh, islam iyo carab dhaqankood ayaa qaymo idiin leh.
    sweden waxaa ujoogtaan waa waqti dhumis iyo fowdo. waxaa tihiin maalaa yacni.
    hadii ninkaaga hada laguu siiyo sharci biri unbaad kibri. ilmahaagana markaas ayaa lagaa qaadan markii aad dugsi quraan iyo carab aad madaxa kaga shubto. kulaabta meeshii aad ka timaadeen….

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  7. umu maahir says:

    Marwaan kuma fahamin ninkaga ma isla jogten maxaa kawada ifahansi walalkey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. MARWAAN says:

    Waxaan walaal uga jeedaa qofka aad u dacwoonayso xagee joogaa ileen waadiga yidhi ninkagiibaa ii yimid. Ma iswiidhan ayuu walaal kuugu yimi mise Africa? Mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. umu maahir says:

    Marwaan walalkey ima fahamin waxan ku dhahay aniga ninkeyga baa idacwoday waxuuna joga sweden magaratay aniga asiga idacwonoyo ok

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. MARWAAN says:

    Hadaan fahmay walaalashay anigaba gabadhaydaaa IGA maqan oo wiil ayay ii haysaa diidmo singlenimo ah ayaan helay 2012 kii oo waagaas caruur manu isu lahayn hadase dacawad kalaan xareeyay oo dhiigii iyo interview waa Mareen Aniga ayaa hada sugaya dheecaanka. Alle gaalada ha inoo sakhiro walaal .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. umu maahir says:

    Marwaan diidmo oo singal nimo side ku heshay hadiba caruur isku dhashen oo maxaa singal kadhigay mida kale ma waxey kugu hestan 2 sano ma isla nolen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. MARWAAN says:

    Umu maahir walaalo ilmahu wuxuu ii dhashay dhamaadkii 2012 kohor waxaanu ahayn dad dacwadoodu single ay tahay micnaa aan caruur lahayn diidmada lasiiyay wakhtigaas waxaa loo cuskaday laba qodob 1.in aanan passport la aqoonsanyahay sidan Somali passport kana aanay aqoonsanayn 2. Iyo in aanu waxba isu dhalin oo aanu nahay dad Aan LA aqoonsan Karin dacwadooda in any sax tahay iyo in khalad tahay. Markaas walaalo Arinku waa sidaas kadib waan xaraynay markuu wiilku ii dhashay kadib dheecaanka waalaga qaaday xaaskayga iyo wiilkayga hada aniga ayaa sugaya insha Allah khayr ayaan dhamaan idiin rajaynayaa .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. umu maahir says:

    Ok sax marwan wan ku fahamay walalkey aniga xita 2010 ban xareyay dacwadi ugu horesay ninkeygane markas wax ma isku dhalin kadib wil ban dhalay 2013 di kadib fom cusub xareyay kadib ninkeyga dhig malaga qadin anaga le naga qaden kadib diidmo isiyey oo ah didmada 2 sano ma isla nolen kadib hadane marki la dhahay dadka 2 sano waa la cafiyay hadane fom lawad ban xarenay dhigane wan marnay lakin wali ninkeyga malaga qadin insha allah mar dhaw wan rajeyna in uw maro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. qaali says:

    Asc sxbta sadax bari kahor warqad ayaa I so dhacday waxeeyna igu dhahen arinta maxkamad eey go aanka kugareen wax kaduwan ma heesa asxabeey maxa talo aad heesan aniga waba wareeree soo maxkamada go aan somagarin dadka labada sano ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. MARWAAN says:

    UMU MAHIR walaalo insha allah alle ha inoo sakhiro gaal iyo Muslinba oo xaasaskeena inaga maqana ha ina mideeyo. QAALI WALAASHAY MAXAY UGALA JEEDAAN MAXKAMADA GOAANKEEDII WAX KA DUWAN MA HAYSAA, MA DIIDMAY KU SIIYEEN WALAALO BAL II FAAH FAAHI MAAN FAHMINE

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Hopta somaaliyed says:

    Allaha wada saqiro maamo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Hooyo somaaliyed says:

    Qof kasta muraadkiisa allaha u sahlo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Hll says:

    Asc Walalayal aniga waxan jooga Sweden waxana u dacwonayay odagayga 5 bishay ayaana diidmo la iisoo diray wixii lugu diiday ama qodabaday u cuskadena ma iima sheegin marka ayaan wacay hanlegarahayga oo aan ka codsaday inuu iisoo diro wixii la igu diiday si aan uga dacwoodo waana la ii diiday waa waxaa la igu dhahay arintani qofka la diiday ayaay quseysaa waxaana ugu diray safarada Adna Waxba kagama sheegayno marka ii hadii uu jiro qof arintani ku dhacay ila soo xiriira insha allaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0