Sweden iyo Warshadaha nukliyeerka

3

Ka dib dhulgariirkii ka dhacay Japan jimcadii la soo dhaafay iyo dhibaatada ka haysata xakameynta warshadaha nukliyeerka ee wadankaas ayaa dood kulul ka dhalatay wadamada Yurub ee isticmaala korontada nukliyeerka. Germalka ayaa bilaabay qiimeyn ay ku sameynayaan guud ahaan warshadahooda nukliyeerka. Sweden ayaa ka mid ah wadamaha aadka ugu xiran koronta nukliyeerka ayadoo 45% korontada Sweden ka timaado 3 warshadood oo ku kala yaala dalka daafihiisa.

Laanta la socodka Nukliyeerka Sweden (Strålsäkerhetsmyndigheten) ayaa sheegtay ka dib dhibaatada ka taagan Japan inay ku soo bateen dadka soo wacaya iyo kuwa websitekooda soo booqanaya ee wax ka waydiinaya amaanka warshadaha Nukliyeerka Sweden.

Urur lagu magacaabo Dhaqdhaqaaqa ka soo horjeeda Nukliyeerka (Folkkampanjen mot kärnkraft) ayaa sheegay in ay qorshaynayaan in ay sameeyaan mudaharaadyo lagaga soo horjeedo isticmaalka warshadaha Nukliyeerka Sweden.

Sweden ayaa leh 5 warshood oo ku shaqeeya quwada Nukliyeerka, 2 ka mid ah warshadaas ayaan shaqeyn oo la joojiay. 3da shaqeysa ayaa ku kala yaala Forsmark, Ringhals iyo Oskarshamn.

Raysal wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt ayaa sheegay in uu filayo in wadahal muhiim laga yeesho amniga warshadaha nukliyeerka. Sidoo kale xisbiga Miljöpartiet ayaa dalbaday in baarlamaanka Sweden uu ka yeesho dood ku saabsan nukliyeerka.

Shacabka Sweden ayaa codbixin laga qaaday sanadkii 1980 balse codbixintaas laguma joojin isticmaalka nukliyeerka. Qatar weyn ayaa ka dhalan karta haddii qarax ka dhaco mid ah mid ah warshadaha nukliyeerka ayadoo hada Japan dadka laga rarayo magaalooyin u jira warshadaha 30 km.

Sanadkii 1986 ayaa wadanka Ukrain waxaa ka dhacay qarax warshad nukliyeer kaasoo sababay in ay ku sumoobaan dad badan, suntaas ayaa gaartay wadamo badan oo kumanaan kilomitir u jira Ukrain xitaa waxaa laga dareemay suntaas Sweden oo ka badan 1,000km u jirta goobta uu qaraxa ka dhacay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here