Sweden, Norway iyo Denmark oo loogu baaqay in ay hal wadan noqdaan

Ka waran haddii Sweden, Norway iyo Denmark ay midoobaan oo ay hal wadan noqdaan? Fikradaas waxaa soo jeediyay ninka taajirka ah ee lagu Petter Stordalen oo u dhashay Norway. Ninkaan oo ah mid shirkado badan ku leh sadexda wadan ayaa ku baaqay in ay sadexdaan wadan ay midoobaan maadaama ay wadaagaan dhaqan iyo luuqado isku dhow.

“Waxaan noqon lahayn wadan aad u wanaagsan oo xoog leh” ayuu yiri Stordalen isaga oo ka hadlaya riyadiisa ku aadan in sadexdaan wadan ay noqdaan hal mid. Taasoo shacabkooda ka dhigaysa ku dhawaad 20 milyan. Waxa uu sheegay in sadexdaan wadan ay wadaagaan taariikh dheer.

Fikradaan ayaa ah mid aysan sidaa u soo dhaweyneyn siyaasiyiinta sadexda wadan balse hadaba waxaa wadamadaan ka dhexeeya xiriir aad u wanaagsan iyo wada-shaqayn joogto ah.

Sidee u aragtaa fikrada in la abuuro hal wadan oo ay ku midoobaan Sweden, Norway iyo Denmark?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. mubaarik yus says:

    wxy ku haminayaan inay inay midooban oo hal wadan noqdaan somaliduna hal tula laba ukala qaybsan oo heshiin la
    bal adba

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. waryaa says:

    Maxumo Fikradiisa. Aniga ayaaba kufikiro mustaqbalka sidaan jabuti, dhinaca kenya, ithopia iyo somaliya-land loo midoobi lahaa hal wadan Soomali weyn.
    Hanoolaato Soomaliya.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 15 Thumb down 4

  3. siraad says:

    Asc Aniga shaqsi ahaan waa sodhameeyna wayo dadka markey bataan waxaa bato waxtarka iyo difaca dala oo lo helaay awoodo. Hadey midoowan waxeey iska celinkaran ruushka oo juli cadoow ku ah.waxan tusaalow fiican u ah USA waa 50 oo 1 wadaan noqdaay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  4. bahsane says:

    waxaan u arkaa waali cas….ganacsadahana waa dantiisa ayuu wataa oo shaqadiisa eeganayaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Abubakr says:

    Asc wr. Ugu horey waxan taageerayaa fikirka ninka jecel inuu Somaliya mideeyo. Ilaahay niyadiisa sey jeceshahay Allaha uyeelo. tan kale iney midoobaan Nor.Swe. iyo Den. iyo ninka soo jeediyay madama la yiri waa nin taajirka ah, wuxuu ka mid yahay dadka wada inuu aduunka yeesho ama uu noqodo wadan ama aduun xuduudihiisa isku furan yacnii (ONE WORLD GOVERNMENT ) hal diin hal luqad iyo dowlad aduunkoo dhan xukunta. waa bilow fikradaas in SWE,NOR iyo DEN. laga dhigo ha wadan. Su’aashase waxay tahay magacee loo bixin donaa markey midooban???!!!!. aduunkana wuxuu hal dowlad yeelan karaa markey hal diin ka dheceyso. wixi kasoo hara maya. taasna waxaa la heli karaa aduunkoo islaam wada noqda. Ilaahayna uguma tala galin waayo aadanaha khiyaar buu siiyay inuu kufriyo ama uu Rabiga qalqay Rumeeyo (Mu’min noqdo).

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1