Sweden oo 150 qaxooti Soomaaliyeed ka soo qaaday Kenya

14

Bilowgii bishaan ayaa waxaa Sweden soo gaaray qaxootigii ugu dambeeyay ee dib u dejinta loo samaynayo, kuwaasoo ay ku jiraan 150 qof oo Soomaali ah oo laga soo qaaday xeryaha qaxootiga ee ku yaala dalka Kenya qaasatan Dhadhaab. Sweden ayaa sanadkaan guud ahaan dib u dejin u samaysay 1900 qaxooti ah kuwaasoo u badan qaxootiga Syria, balse ay sidoo kale ku jiraan qaxooti laga soo qaaday daafaha caalamka. Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa la shaqaysa hay’ada UNHCHR.

Laanta Socdaalka ayaa cabasho ka muujisay helitaanka guryaha ee la dajinayo dadka qaxootiga ah. Qaxootiga dib u dejinta loo samaynayo ayaa ka duwan kuwa wadanka iska dhiibay ee sharciga laga siiyay halkaan. Dadkaan ayaa ah kuwo u baahan in loo diyaariyo guryo iyo noloshooda oo dhamaystiran. Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in si loo soo dhaweeyo dadkaan ay mararka qaar ay degmooyinka ka shaqaaleeyaan qof u dhashay wadankooda oo ka caawiya la qabsiga wadanka.

Qaxootiga dib u dejinta loo sameeyo ayaa sanadkasta gaaraya 1900 qof oo uu baarlamaanka Sweden si gaar ah go’aan uga gaaray.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here