Sweden oo 200 qof ka soo qaaday Tunisiya

17

Laanta Socdaalka Sweden ayaa 200 oo qof ka soo qaaday xeryo ku yaala xuduuda u dhaxeysa Libya iyo Tunisia. Dadkaas ayaa u badan Soomaali iyo Eritriyaan.

Dadkaan cusub ayaa la geeyay kamuunada kala duwan ee ku yaala Sweden iyagoo bilaabay nolol cusub. Sweden ayaa noqotay wadankii ugu horeeyay ee caawimaad u fidiyay Soomaalida ku go’doontay Libya ka dib kacdoonkii wadankaasi ka dhacay.

Sweden ayaa sanadka 2012 guud ahaan waxay soo qaadi doontaa 1900 oo qof kuwaasoo u badan Soomaali iyo Eritriyaan oo inta badan laga soo qaadi doono xeryaha geeska Afrika qaasatan Dhadhaab.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here