Sweden oo 300 Soomaali ah ka soo qaadaysa Kenya

16

Laanta Socdaalka sweden (Migrationsverket) ayaa shaacisay in 300 qof oo qaxooti Soomaali ah laga soo qaadayo Kenya. dhadhaabDadkaan la soo qaadayo ayaa 200 qof waxaa laga soo qaadayaa xerada qaxootiga Dhadhaab halka 100 qof laga soo qaadayo magaalada Nairobi.

Dadka la soo qaadayo ayaan ahayn kuwa ku imaanaya mideynta reeraha balse waa kuwo ay si qaas ah u soo xushay hay’ada UNCHR. Ilaa sanadkii 2010 ayaa Sweden waxay Kenya ka soo qaadaysay dad gaaraya 300 qof oo ah qaxootiga ku dhibaataysan xeryaha Dhadhaab iyo kuwa la mid ah. Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in loo baahanyahay in dadkaan la soo qaado, iyadoo xaalada amaanka iyo nolosha ee qaxootiga Soomaalida ee Kenya ay sii xumaanayso.

Guud ahaan dadka ay Sweden ka soo qaadayso xeryaha qaxootiga ee ku yaala daafadaha aduunka ayaa sanadkaan gaaraya 1900 qof kuwaasoo la mid ah tirada sanadkasta la soo qaado. Soomaalida laga soo qaadayo Kenya ayaa waxaa la soo duulin doonaa dhamaadka xagaaga.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here