Sweden oo aan sanadkaan Soomaali ka soo qaadayn xeryaha qaxootiga

22

Iyadoo sanadihii ugu dambeeyay ay Soomaalidu ahaayeen tirada ugu badan qaxootiga laga soo qaado xeryaha qaxootiga, ayaa Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) waxay shaacisay in sanadkaan ay isha u wareejisay dhinaca Syria. Warbixin ay soo qortay Laanta Socdaalka ayaan marnaba lagu soo qaadin qaxootiga Soomaalida.

Sanadkaan ayaa sidii caadada ahayd waxay Sweden xeryaha qaxootiga toos uga soo qaadi doontaa 1900 qof kuwaasoo inta badan ay yihiin Syrian. Waxaa kale oo qaxooti laga soo qaadi doonaa Afghanistan iyo Colombia. Inkastoo ay macquul tahay in shaqsiyaad Soomaali ah la soo qaado ayaysan hadana dhici doonin in tiradii boqolaalka ahayd ee horay Sweden u soo qaadi jirtay sanadkaan la soo qaado.

Sababta ka dambaysa in Sweden aysan soo qaadin Soomaalida, ayaa waxaa sal u ah in dowlada Sweden ay badashay aragtideeda ku aadan xaalada Somalia. Waxaa sidoo kale macquul ah in ay saamayn ku yeelatay in sanadkii tagay ay dowlada Somalia iyo Kenya kala saxiixdeen in qaxootiga ku nool xeryaha sida Dhadhaab dib loogu celiyo dalkii.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here