Sweden oo bixisay sharciyadii ugu badnaa!

25

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa sanadkii la soo dhaafay waxay bixisay sharciyadii ugumigrationsverket-somaliska badnaa abid. Guud ahaan waxaa degenaansho la siiyay dad gaaraya  110,000 oo qof taasoo kor u qaadaysa tirada sharciyada qiyaastii 19% marka loo barbar dhigo sanadkii 2011.

Sharciyada ugu badan ayaa waxaa la siiyay dadka qaxootiga ah, qaasatan dadka magangalyada u baahan. Qaxootiga ugu badan ee sharciga la siiyay ayaa ka soo jeeda wadanka Siiriya kaasoo ay soo raacdo Somalia iyo Afghanistan. Qaasatan caruurta aan la wehlin ayaa inta badan ka yimid wadanka Afghanistan. Waxaa sidoo kale siyaaday magangalyo doonka ka imaanaya wadamada bariga Yurub sida Serbia iyo Bosnia kuwaasoo inta badan diidmo laga safay.

Guud ahaan waxaa Sweden iska dhiibay sanadka 2012 dad gaaraya 44,000 oo qof halka wadanka Germany oo dadka ugu badan Yurub ay iska dhiibeen tiradu gaarayso 64,000 qof.

Marka laga soo tago dadka wadanka iska dhiibay ayaa sharciyada ugu badan oo kale waxaa la siiyay dadka qaraabada ku imaanaya Sweden kuwaasoo la siiyay 41,000 oo qof sharci. ilaa 8,000 oo qof ayaa sharci lagu siiyay maadaama qoyskooda ay wadanka magangalyo ku joogaan, dadkaas ayaa u badan Soomaalida caruurtooda loo keenay. Waxaa sidoo kale xiriirka qaraabada ku yimid dadka ka soo jeeda Thailand, Ciraaq iyo Serbia.

Dhinaca kale Sweden ayaa sharci siisay 17,000 oo qof kuwaasoo wadanka ku yimid viso shaqo.

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here