Sweden oo cafis ka dalbatay Saudi Arabia?

7

Telefishinka Al-Arabia ee laga leeyahay wadanka Sacuudiga ayaa shalay shaaciyay in dowlada Sweden ay raali galin ka bixisay hadaladii ay ka yiraahdeen xaalada xuquuqda bani’aadamka ee wadanka Sacuudiga. Telefishinka ayaa boggooda ku qoray in sidaa darteed ay dowlada Sacuudiga dib u soo celin doonto safiirkoodii oo bishii hore ay kala bexeen Sweden.

Telefishinka ayaa shaaciyay in raysal wasaaraha Sweden uu raali galin ka bixiyay in hadalkii wasiirka arimaha dibada loo fasirtay mid ka dhan ah Sacuudiga ama diinta Islaamka, isagoo intaas ku daray in uu rajaynayo in la wanaajiyo xiriirka labada wadan. Wakiilka dowlada Sweden ay u dirtay Sacuudiga ayaa isbuucaan la kulmay madaxda dowlada Sacuudiga isagoo fariintaan u gudbiyay.

Dhinaca kale, wakaalada wararka TT ayaa sheegtay in masuuliyiin ka tirsan dowlada Sweden ay beeniyeenin in raysal wasaare Stefan Löfven uu raali galin siiyay Sacuudiga. Balse waxay sheegeen in loo cadeeyay Sacuudiga in dowlada Sweden aysan marnaba doonayn in ay aflagaadayso dowlada Sacuudiga iyo diinta Islaamka.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ay dhabtahay in Sweden ay raali galin siisay Sacuudiga, ayaa taasi muujinaysaa sida ay uga cabsi qabaan waxyeelada ganacsiga iyo siyaasada ee Sacuudiga uu u geysan karo Sweden, iyo qaasatan in loo fasirto Sweden wadan ka soo horjeeda diinta Islaamka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here