Xogyaha u qaabilsan midowga Yurub arimaha qaxootiga Cecilia Malmström oo matalaysa Sweden ayaa cambaareysay sida dalka Giriiga ay ula dhaqmaan qaxootiga dalkooda ku dhaqan iyo qorshaha Giriiga ee ah in ay xayndaab ka dhisaan xuduuda ay la wadaagaan Turkiga si ay u joojiyaan soo galootiga. Cecilia Malmström ayaa sheegtay in Yurub aysan u baahneyn in ay dhisto xayndaabyo looga hortagayo soo galootiga oo aysan arintaan ahayn mid mustaqbal leh. Ayadoo intaas ku dartay in dowlada Giriiga ay ku fashilantay masuuliyadeeda xubin ahaan ay ka tirsantahay dowladaha loo yaqaan Schengen ayadoo sheegtay in Giriigu u baahantahay caawimaad in la siiyo. Dowlada Giriiga ayaa dhaliilo badan kaga yimaadeen qeybo badan oo ka tirsan caalamka sida Midowga Yurub, Qaramada Midoobey iyo wadankaan Sweden qaas ahaan oo dhowr bilood ka hor joojiyay ku celinta dadka qaxootiga ah ee faraha ku leh Giriiga.

Sweden oo cambaareysay sida Giriiga ula dhaqmaan qaxootiga

Xogyaha u qaabilsan midowga Yurub arimaha qaxootiga Cecilia Malmström oo matalaysa Sweden ayaa cambaareysay sida dalka Giriiga ay ula dhaqmaan qaxootiga dalkooda ku dhaqan iyo qorshaha Giriiga ee ah in ay xayndaab ka dhisaan xuduuda ay la wadaagaan Turkiga si ay u joojiyaan soo galootiga.

Cecilia Malmström ayaa sheegtay in Yurub aysan u baahneyn in ay dhisto xayndaabyo looga hortagayo soo galootiga oo aysan arintaan ahayn mid mustaqbal leh.

Ayadoo intaas ku dartay in dowlada Giriiga ay ku fashilantay masuuliyadeeda xubin ahaan ay ka tirsantahay dowladaha loo yaqaan Schengen ayadoo sheegtay in Giriigu u baahantahay caawimaad in la siiyo.

Dowlada Giriiga ayaa dhaliilo badan kaga yimaadeen qeybo badan oo ka tirsan caalamka sida Midowga Yurub, Qaramada Midoobey iyo wadankaan Sweden qaas ahaan oo dhowr bilood ka hor joojiyay ku celinta dadka qaxootiga ah ee faraha ku leh Giriiga.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

1 Response

  1. asma mahamud says:

    aad ayay u mahadsanyihiin dhamaan bahda somaliska ayagoo had iyo jeer ka shekeya bahida somalida ku dhaqan dalka sweden iyo dadka loo diiday qaraabadoodii waxaaa se jeclaanlahaa iyagoo ku soo dara dalalka kale ee yurub iyagana somalida ku nool waxa xaalkoodu yahay way mahadsanyiin marlabaad byeee…………..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0