Sweden oo ciidamadeeda kala baxaysa Afghanistan

Xisbiyada baarlamaanka Sweden ayaa heshiis ku gaaray in Sweden ay ciidamadeeda kala baxdo dalkaasi Afghanistaan kama dambeys 2014. Qorshahaan oo ay soo bandhigtay dowlada ayaa waxaa ku raacay xisbiyada kala ah Miljöpartiet iyo xisbiga weyn ee SocialDemokraterna.

Qorshaha ayaa ah in hada la bilaabo hoos u dhimida ciidamada oo sanadka 2012 ay tirada ciidamada Swedishka ah ee jooga Afghanistaan ay noqdaan 400 oo askri halka ay hada yihiin 550 askri. Ciidamada ayaa sidoo kale dib uga soo guuri doona saldhigooda ku yaala gobolka Mazar-i-Sharif  iyaga oo ku soo ururi doona saldhiga ciidamada Jarmalka.

Marka la gaaro sanadka 2014 ayaa la filayaa in guud ahaan ciidamada ajaanibta ah ee ku sugan Afghanistaan ay isaga baxaan dalkaasi iyada oo ay ku jiraan kuwa Sweden. Si kastaba ha ahaatee waxaa ku hari doona 200 oo ka mid ah ciidamada Sweden oo tababari doona ciimada Afghanistan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. Aadan deeq says:

    waxaa iga suaal ah sweden mawaxey wax ka laheyd darihi dhadheraa ee mareynkanka laga burburiyay mise ciil ay u qabtay dadka muslimka ah ayey u tagtay Afghanistan mise waxaa jiray dhibato hore oo ay ugeysteen ururka alqacida aniga yaabaye?dadka islamka ah mamooda iney aragtidoda gabantahay. gaaladuna ma aragtaa iney maalin walba u midobayan umad muslim ah uguna marmarsiyonayan. waa argagaxiso. niyugliyer bey hestan. danaha reer galbedka ayey qatar ku yihin. anagiina oo muslimka ahaa midna usacabtumayo gaalada midna ay hubka noocii casri ah ee sosaranba ku tijabinayaan …..h ……h …….h ……h

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Massago says:

    AADAN D SXB SWEDEN WAXEY HISHIIS KULA JURTAA XULUFADA KALE OO GAALADA AH MUGA MA DIIDI KARAAN MIHI LOO DIRO LKN WAXAN DHIHI LAHAY HADAY KASO BAXAN AFGANSTAN HALAGU JAHEEYO SOMALIA ALSHA 2 BIRI HAKA SOO DHIGAANEE

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. Abu Salaaxudiin says:

    Alle s.w.t ayaa noo sheegay in Gaalo Shar walba oo Muslimiinta ka dhan ah isku bahaystaan .

    Gadaal u jaleeca Taariiqda , Tusaale dagaalki , ee Yahuuda qaybaheeda iyo Nasaarada uu Quraysh hogaaminaysay ugu Midoobeen Muslimiinta , xitaa waakuwii Ardul Xabasha uga daba tegay .

    Reer Galbeedku maalin walba waxay u Kulmaan sideey u Midoobi lahaayeen , Waxaa kale oo u Kulmaan sideey Muslimiinta u kala geeyn lahaayeen iyagoo Carab Carab raac iyo Cajam u kala saaree .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. ramla says:

    asc dhaman bahda somaliska masago adiga ciidamadaas maraceeysaa swedhishka ah adigaa kala yaqaano somaliyee hadii tagayaan somaliya aniga waxay ila tahay in aay u dhineen ajaanib kale somaliyo in la geeyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. cabdi wali says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk sxbiyaal aniga waxaan jeclahay inla dawargooyo kooxaha alqaacidada ah meelwalba caalamka aykajoogaan sababtoo ah waa kuwa daneeystiyaalah maadaama ayaga dadka aysasabanayaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0