Sweden oo dhaqan galinaysa sharcigii ugu adkaa ee qaxootiga ee guud ahaan Qaarada Yurub

42

Dowlada Sweden ayaa dhamaadka bisha May ee sanadkaan waxay dhaqan-galinaysaa qeybo badan oo ka mid ah sharciga cusub ee qaxootiga, kaasoo qaasatan si weyn u saameynaya mideynta qoysaska. Sharciga ku saabsan mideynta qoysaska ayaa noqonaya midka ugu adag guud ahaan wadamada ku midoobay EU-da.

Sharciga cusub ayaa faraya in qoyska lala mideeyo dadka haysta sharciga qaxootiga Geneva oo keliya balse Sweden ayaa waxay sharcigaas siisaa 10% oo keliya dhamaan qaxootiga wadanka iska dhiibay. Dadka kale ayaan lala mideyn doonin qoysaskooda. Tani ayaa Sweden ka dhigaysa wadanka ugu adag maadaama wadamada kale ee Yurub ay sharciga qaxootiga Geneva siiyaan 80% qaxootiga.

Guud ahaan dadka doonaya in lala mideeyo qoyskooda ayaa sidoo kale shuruud looga dhigi doonaa in ay biilan karaan dhamaan dadka imaanaya Sweden.

Sharciga ayaa qaasatan si weyn u qabanaya Soomaalida oo qaar badan sharciga lagu siiyay sababta loo yaqaan “Dad kale oo magangalyo u baahan . Övriga skyddsbehövande iyo Alternativt skyddsbehövande ” dadkaas ayaan loo ogolaan doonin in lala mideeyo qoyskooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here