Sweden oo doonaysa in ay faraha ka qaado dhamaan dadka soo gala wadanka

17

Dowlada Sweden ayaa ku fikiraysa in ay faraha ka qaado dhamaan dadka soo galaya Sweden ee ka imaanaya wadamada ka baxsan midowga Yurub sida ay ku taliyeen quburo ay dowladu ka codsatay in ay arintaan soo baaraan. Sababta dadka looga qaadayo faraha ayaa ah in laga hortago dadka isticmaalaya baasaboorada aysan lahayn.

Wasiirka arimaha gudhaha Anders Ygeman ayaa wakaalada TT u sheegay in tani ay tahay wadada kaliya ee looga hortagi karo dadka isku eg ee isticmaalaya hal baasaboor. Dadka qaxootiga ah ee Sweden soo gala ayaa la sheegay in 30% ay ka soo degaan diyaaradaha iyagoo isticmaalaya baasaboor aysan lahayn. Dadkaas ayaa inta badan waxay ka yimaadaan wadanka Turkiga.

Dowlada ayaan shaacin xiliga ay dhaqan galin doonto arintaan iyo haddii ay sidaa samayn doonto balse waxaa la filayaa in midowga Yurub guud ahaan uu ku dhaqaaqo talaabo la mid ah midaan oo dadka soo galaya dhamaan wadamada EU faraha looga qaadayo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here