Sweden oo fadeexad ka dhalisay ciyaaraha Moscow

5

Ciyaartoyda ka socota Sweden ayaa fadeexad la xiriirta khaniisiinta ka dhaliyay ciyaaraha ka dhacaya magaalada Moscow. friidrottWadanka ruushka ayaa ah wadan aan laga jeclayn qaniisiinta iyadoo uu baarlamaanka wadankaas soo saaray sharciyo lagu mamnuucayo waxa loogu yeeray borobogaandada khaniisiinta.

Hadaba labo ciyaartoy oo ka mid ah gabdhaha u tartamaya Sweden ayaa cidiyaha waxay soo marsadeen midibka Qaansoroobaadka oo ay isticmaalaan khaniisiinta. Arintaas ayay waxay kala kulmeen cambaareyn kaga timid Ruushka iyo qaar ka mid ah ciyaartoyda wadankaas u dhashay.

Arinta kale oo ka caraysiisay Swedishka ayaa ah markii gabar Ethiopian ah oo ku tartamaysa magaca Sweden ay diiday in ay taageerto ficilada ay ku keceen gabdhaha kale ee Swedishka ah. Gabadhaan oo lagu magacaabo Abeba Aregawi oo sanadkii hore noqotay muwaadin Swedish ah ka dib markii ay guursatay nin Swedish ah ayaa Sweden u soo hoysay bilada keliya ee ay Sweden ka heshay ciyaaraha.

Si kastaba ha ahaatee, fikradeeda ku aadan khaniisiinta ayay Swedishku aad uga argagaxeen. Abeba ayaa markii la waydiiyay in ay taageersantahay Khaniisiinta ku jawaabtay “anigu ma taageersani diintayda darteed. Ma taageersani in raggu ay la seexdaan ragga kale iyo dumarka oo la seexda dumarka”. Sweden oo ah wadan ay qaniisiintu ku leeyihiin saamayn balaaran ayay dhici kartaa in gabadhaan hadalkaas uu u keeno dhibaato xaga magaca ah. Balse waxay si geesinimo ah u sheegtay fikirkeeda ku aadan arimaha khaniisiinta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here