Sweden oo ku biirtay ololaha Libya

2

3 ka mid ah diyaaradaha dagaalka Sweden ayaa u duulay gobolka Sardinia ee Talyaaniga si ay ugu biiraan ololaha ka dhan ah hogaamiyaha Libya Mucamar AlQadafi. Axada ayaa waxaa sidoo kale duuli doona 5 diyaaradaha dagaalka ah iyo 4 xamuulka qaada.

Diyaaradaha ayaa ku biiri doona kuwa kale ee ay leedahay xulufada NATO ee duqeynta ka wada Libya. Jimcadii ayaa baarlamaanka Sweden isku raacay in Sweden ay ku biirto mishinka Libya balse waxay ku heshiiyeen in Sweden aysan duqeynta Libya ka qeyb qaadaneyn balse oo keliya ay ilaalinayaan hawada Libya.

Sidii aan horey uga faalooney dowlada Sweden ayaa aad ugu heelaneyd in ay ka qeyb gasho mishinka Libya. Olalaha lagaga soo horjeedo Qadafi ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya wadamo badan oo ay ku jiraan kuwo carbeed sida Qatar iyo UAE.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here