Sweden oo markale ku guulaysatay tartanka heesaha ee Eurovision

Sweden ayaa markale ku guuleysatay tartanka heesaha ugu caansan Yurub ee lagu magacaabo Eurovision iyadoo uu guusha soo hooyay wiilka lagu magacaab Måns Zelmerlöw. Sanadkii 2012 ayaa waxaa Sweden u soo qaaday tartanka gabadha lagu magacaabo Loreen.

Heesta uu qaaday Måns oo lagu magacaabo “Heroes” ayaa guushii ugu weyneyd u soo hoysay Sweden ilaa sanadkii 2012. Sweden ayaa guud ahaan ku guuleysatay 6 jeer tartanka heesaha Eurovision ilaa sanadkii la bilaabay ee 1956 balse guusha.

Iyadoo la raacayo sharciga u yaala tartanka heesaha Eurovision ayaa Sweden waxay marti galin doontaa sanadka soo socda. Kaalinta 2-aad ayaa waxaa galay Ruushka oo la dhihi karo waxay ku hareen arimo siyaasadeed maadaama dad badan aysan jeclayn siyaasada Ruushka balse heesta ay qaaday gabadha ka socotay Ruushka ayaa waxaa qoray labo nin oo Swedish ah, iyadoo aan wax badan ka duwanayn mida uu qaady wiilka ka socday Sweden. Kaalinta 3-aad ayaa waxaa galay Talyaaniga.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. faarax says:

    Kow

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. mandeeq says:

    LABO

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. Sadax

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Musbaax says:

    Afar.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0