Sweden oo markale Soomaali ka soo qaadaysa xeryaha qaxootiga

5

Laanta Socdaalka (Migrationsverket) ayaa markale shaacisay tirada qaxootiga ay Sweden sanadkaan ka soo qaadayso xeryaha qaxootiga kuwaasoo dib u dejin loo samaynayo. Dadka xeryaha laga soo qaadayo oo sanadkaan inta badan ay yihiin Syrian ayaa waxaa ku jira Soomaali laga soo qaadi doono xeryaha qaxootiga ee ku yaala bariga Afrika qaasatan kuwa Kenya sida Dhadhaab.

Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in ay muhiimada siinayaan Syrianka maadaama wadankooda uu ka socdo dagaal balse waxay sidoo kale soo qaadi doonaan Soomaali, Ereteriyaan, iyo dad kale. Guud ahaan waxaa dib u dejin loo samayn doonaa 1900 qof. Baarlamaanka Sweden ayaa go’aamiya tirada qaxootiga dib u dejinta loo samaynayo, kuwaasoo ka dheeri ah dadka Sweden iska dhiibaya oo hada ku dhow 100 000 qof.

Dib u dejinta qaxootiga ayay sheegeen in ay ku socoto si gaabis ah taasoo ay sabab u tahay guryo la’aan ka jidha Sweden maadaama ay aad wadanka ugu soo bateen magangalyo doonka iskood u soo galaya wadanka. Sweden ayaa sanadkii hore waxay dib u dejin u samaysay Soomaali gaaraysa 150 qof.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here