Sweden oo markale Soomaali ka soo qaadeysa xeryaha qaxootiga

Dowlada Sweden ayaa sidii caadada u ahayd waxay qaxooti ka soo qaadaysaa xeryaha qaxootiga ee caalamka iyadoo sanadkaan si la mid ah sanadkii hore muhiimada la siinayo qaxootiga Soomaalida iyo Eritrea.

Baarlamaanka Sweden ayaa qorsheeyay in Sweden ay soo qaadato ilaa 1900 qof kuwaasoo la sheegay in sanadkaan inta badan ay noqon doonaan Soomaalida ku jirta xeryaha qaxootiga ee ku yaala Kenya iyo Jibuuti.

Agaasimaha Laanta Socdaalka Christina Werner ayaa muujisay sida ay ugu faraxsantahay arintaan maadaama dadkaan ay yihiin kuwa dhabta ah ee u baahan caawimaada oo mudo badan ku jiray xeryaha qaxootiga.

Qaxootiga cusub ayaa waxaa si wada jir ah u soo xuli doonaa hayda UNHCR iyo Laanta Socdaalka (Migrationsverket).

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa’idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su’aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa’ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. haashim says:

    sck waxan ka dhi hi lahaa arintaa waay wanaagsan tahay laakiin waxan kajeclaan lahaa in arinta familada ku nool swedhan oo ka xayiran caruurtoo in loo o kolaada sida uku dhaqsiya ha badan muhiimada in midaan la saaro ayaa kawa naagsan mida dibada la ga soo qaadaayo iga ma aha nicib dada keega aan uqabo laakiin daraskada oo bahan meelka in wax loo dhiibo ma aha sikastaba ha ahaato waan soo dhaweeneeynaa walaa la heena waan ku farax sana hay anagana ilaah hanoo fodadeeyo caruurteena iyo xaasas keena aaaaaamiiiiiiiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  2. hodan says:

    waa wax wanaagsan una bahan in la gar gaaro anagane arinteenu waa hagageeysaa insha allah

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  3. Axmed haybe says:

    We shall see,insha’allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Adow mohamed aden says:

    Ilahay dalkeena ha noo nabadeyo qurbo qurbo qoyski aan arkin ayu qaali layahaye,

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. naasir yaree says:

    maansha allah ilaaaaahi ha ooga soo qaaado masaaaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. ali says:

    mansha alaah waa arin aad u fiican lakiin kuwa inta jooga een sharci ku laheyna ilaah ha ugu soo nixiyo somalida hada arintooda meel fiican ayeey mareysa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Dhulqas says:

    Sidda dhabta ah waa kaa qaxootigii xaqqa u lahaa in lasoo qaado, waayo? inta yusub soo gaadhey waxay u badan yihiin dadkii ku noolaa Soomaaliya nolosha midle classka ah oo xaaladdoodu iska roonayd ama awoodayey inay bixiyaan lacago gaadhayey celcelis ahaan $1 2500. Balse qofkii danyar iska ahaa u malayn maayo inuu fekerkiisu gaadhsiisnaa dhoof, Waayo? wuxuu la xarbiyayeyba waa daily life ka naftiisa iyo kii reerkiisa waana tan geyeysiisey in ay nafta kula cararaan xeryo qaxooti oo aynu malayn karro siday nolosha xeryahaa ka jirtaa u adag tahay iyagana ula muuqatay meel ay ka heli karaan wax ay ku noolaadaan. Markaa waxaan leeyahay ilaahay dhibta ay ku jiraan haka saaro dhankii khayrku ugu jirana ( If iyo aakhiroba ) illaahay ha u sahro.
    Haddiise dhulkeenii nabadi ka jiri lahayd ma u malaynaysaan in ay ka waayi lahaayeen nolol tan u dhaanta ?

    Mohamed

    Allow sahal ammuuraha.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Samsam says:

    Timirti horeba dab lo waa.Kuwan kaamamka ka buuxa may marka hore sharci siiyan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0