Sweden oo musaafurinaysa 6000 qof si ay booska ugu baneeyaan qaxootiga cusub

35

Wasiirka socdaalka Sweden Morgan Johansson ayaa telefishinka SVT u sheegay in dalka laga musaafurinayo 6000 qof oo magan-galyo doon ah kuwaasoo horey diidmo loo siisay. Wasiirka ayaa sheegay in ay waajibtahay in dadkaan wadanka laga saaro si ay booska ugu baneeyaan magan-galyo doonka faraha badan ee ku soo qulqulaya Sweden.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dowlada ay marka hore isku dayayso in ay dadkaan si iskood ay wadankoodii ugu laabtaan, oo xitaa lacag la siinayo balse haddii ay diidaan in qasab lagu musaafurinayo oo boolisku ay arintooda la wareegayaan.

Laanta Socdaalka ayaa cadeysay in la dardar galinayo musaafurinta dadkaan sharciga loo diiday. Iyadoo horey qofka sharciga loo diiday ay qaarkood iska joogeen wadanka balse hada ayaa la sheegay in si degdeg ah dib loogu celinayo dadkaas.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here