Sweden oo noqotay wadanka sadexaad ee ugu maciishad qaalisan Europe.

Qiimayn ay siwada jir ah u sameeyeen hey’ad la yiraahdo Eurostat iyo Statistiska centralbyrån oo ah hey’ad qiimaynta u qaabilsan Sweden ayaa muujinaysa in ay Sweden tahay wadanka sedexaad ee ugu cunada qaalisan wadamada Europe.

Sweden ayaa ka maciishad qaalisan  wadamada kale ee Europe isku cel-celis 20% marka laga reebo Norway oo ugu cuno qaalisan Europe oo dhan iyo Denmark oo kaalinta labaad ku jirta. “Taas  macnaheedu wuxuu yahay  in bacdii cuno ah oo wadamada kale ee Europe-ta ka joogta 100 kronor ($15)  ay sweden ka joogto  120 kronor ”  sidaa waxaa qoraalkeeda ku tiri hay’ada qiimeynta u qaabilsan Sweden.

Qiimaha qudaarta noocyadeeda kala duwan iyo baradhada  looga iibsado dukaamada Sweden iyo qiimaha kuwa Norway looga heli karo wax farqi ah oo sidaas u weyn uma dhexeeyo sida qiimayntani muujinayso. Dadka dukaamada Sweden cunada ka gata waxay qiimo aan qaali ahayn  ku helaan caanaha,malayga, ukunta iyo farmaajada .

Europe oo dhan waxaa ugu cuno raqiisan Bulgaria,Romania iyo Poland waxayna Europe-ta kale ka cuno raqiisan yihiin isku cel-celis 30%  wadamada kale ee EU-da.

Faafi mowduucaan

Saciid Cabdi Cusmaan

Asc, ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. MAANDEEQ 2 says:

    aniga waan arkay taas waayo ciyaal ayaan lacag ku qaataa markaan u adeg is dhaho 500 laba bari ayaan k dhigaa taasi waxey ku tusee in meesha eynaba dhaqaalo loo soo doonto eyba jirin ee dalka yaga nabad alaha nooga dhigo amiin dhaha aqayaarta

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

  2. norge boy says:

    asc salaan all ee anaguna sweden ayaan adeeg usoo raadsana oo waxaan dhahnaa iyada raqiisasan marka hada waa meesha iska iimaanso hahahaah alaw sahal amuuraha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  3. abdurahman says:

    asc? aniga waxaan usoo socdaa swedan kenya ayaana joogaa markaan imaadane cuntada raqiiska ah ayaan gadan doonaa insha allaah marka dadka joogo hada swedan fadlan dhaqaalo sameeyo waayo wadan burbursan ayaa nasugaayo ee cunista iska yareeyo dadkiinane wax u taro mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  4. Mawalad Girl says:

    ahahaha cuntada iska yareeyo kulahaa meshaan baraf aa ka jiro adiga markaad timaadit cuntada iska yaree aan aragno

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. MAANDEEQ 2 says:

    walaalkeey aan la yaabaa cunto aan iska yareeyo iska dhaafee saaxiib waan isku daldalnaa ini iyo ilmaheeyga abti meeshaan waxaa ku leeyahay qaboow aa kajiro farmaajo hadhihin cuntadii swedan waa ku baashaalaa abti lacagtaan gaalka ilaahey iiga soo qaaday maogido jiimna guriga waa iiyaalaa abti yaa qaboowga lagu dilaa cuneeso cabeeso aa liidhahaa adiga islii ka soo tagnoo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  6. jamac says:

    Sxb swedan nolasha waqaali lkn dhaqalaa yaalo ninki shaqaysanayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Diirshe says:

    imaada north america meesha adduunka ugu cunto raqiisan ka qeybgala Green Card Lottery si aad u heshaan Green Card aad ku degi karto kagana shaqeesan karto North America meesha dunidda ugu raaxada badan guri waasaq eh gaari raqiisa iyo shaqo hortaada daadsan Sweden lacagta waa xaanshi aan naf laheyn maciishada oo qaaliya walow ka mid tahay meelaha yurub ugu nadaafada badan uguna barafka badan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2