Sweden oo qaxooti fara badan qaabishay sanadkii tagay

Sweden ayaa sanadkii 2013 waxay qaabishay qaxooti aad u fara badan, iyadoo noqotay wadanka ugu qaabilaada badan ee qaarada Yurub. Sanadkii tagay ayaa Sweden waxay sharciga siisay 24 015 qof oo inta badan ka soo jeeda wadanka Syria iyo Eritrea halka diidmo al siiyay 20 990 qof.

Marka lala barbar dhigo wadamada kale ee Yurub ayaa Sweden waxay noqotay wadanka ugu gacanta furan ee qaabilaada ugu badan siiya qaxootiga. Wadamada kale ee Yurub ayaa qiyaastii 34% qaabilay dadka iska dhiibay halka Sweden ay qaabishay 53%. Sweden ayaa sidoo kale noqotay wadanka ugu qaabilaada badan marka la eego tirada shacabka wadanka ku nool. Laakiin guud ahaan wadanka Germany ayaa tirada ugu badan ee qaxootiga iska dhiibeen sanadkii tagay iyadoo ay soo raacday France.

Guud ahaan qaarada Yurub ayaa sanadkii 2014 waxaa iska dhiibay dad ku dhow nus malyan (435,000) oo inta badan ka soo cararay dagaalada Syria. Sweden ayaa sanadkii tagay albaabada u furtay soo dhaweynta magangalyo doonka Syria iyadoo noqotay wadanka keliya ee siiya deganaansho aan ku meel gaar ahayn.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. c/raxmaan ismaciil says:

    asc sxb sare waxan kuweydinaa xog nooga keen dadka singelka hadaa warka heeyso bro sanadkaan malaga yabaa inee wax iska badalaan thnks sxb

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  2. Maslah says:

    Asmc sxb jimcaale waan ku salaame salaan kadib waxaan ku weydinaa intee kabaxde arintii oo eheed dadka labada sano oo dacwadooda ku xirneed maxkamada ? maxa kaso baxe Aniga kulahadlayo waxaan sugoyaa 6 bil markii horena waxaa leygu xujece madama aadan wadanooleen 2 sano markii danbena waxey idheheen sxb soo cadey xaaskaada madamaama aadanwadanoley wax kabadan 2 sano markaas ayaan maxkamada udire laakin wali wax mahaayo waan sugooyaa “Alaha soo saqiro Amiiiiiiiiiiiiiiiin Amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  3. ahmed says:

    aniga markii hore waxaa la isiiyay negetif waxaan ka qaatay abiil waxay iisoo direen warqad waxay igu dheheen waxaan rabnaa inaad cadeen keento kadib waxaan udiray tikit aan ku imid sanad ka hor iswidhan waxaana raacshay qoraal aan ku sheegaayo ina aanan dib ugu noqon talyaaniga oo aan la joogay reerkeyga afar usbuuc kadib markaan intaas diray waxay ii sheegeen in eey arinteyda dib ugu celsheen migrshinka hadana weli waan sugayaa ilaah qeer ha ka dhigo dhamaan inta muslinka ah amiin

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  4. zaynab says:

    asc waan idin salaamay aqyaarta, salaan kadib waxaan kamid ahay dadka laguhaysto 2da sano diidmoyin badan ayaa heestay kadib waan xareeyay markale 7bilood kadib ayeey aniga iyo cunugayga noogu yeereen DNA iyo interfiyo odaygaygana weey uyeereen sidookale. ee asxaabeey wax ila mid ah oo la ogolaaday maka warhaysaan. ilaahay amuuraha hanoosahlo kuligeenba

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  5. SAHAL says:

    zaynab walashay waxan ku waydiin lahaa markii hore meeqa ayad sheegateen in aad wada noledeen bilood ama sanad

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. ali says:

    asc all asxbta wa idin salamay salan kadib aniga waxan ka mid ahay dadka 2 sano markeyga hore diimo ayu imgareshanka isiiyay waxan ka qatay apeil u maxkamdeyd maxkamda aya kiiskeyga dib u egtay goaan ayi ka so sartay u ah qofkan wa ka qaldantiheyn waxe kuledahy imagreshanka ee kiiskeyska dib u eega aya lagu dhahy imageshanka hada imgreshanka aya warqad iso diray u balan ah aniga iyo xaskeygaba u halmalin ah ahna isku sacad marka wareysi ayi ila yelan rabaan kamana cabsi qabo waresigaas ee dad ila mid ah u sideyda u klae hadi jiraan an is dhaafsano warbixin u gooaan laga so gaaray ma jiraan asxbta kuligeyna allah inu wada fududeyo dhaamn aamiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. fuaad says:

    Aniga sweden anaa iskeenay, xaaskeyga iyo caruurteyda horeey u joogeen waana sheegtay. Dna iyo interview an ku marnay kuligeen sweden, jawaab weli sugaynaa. Inshallah qayr.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. zaynab says:

    sahal walaal aniga maba sheeganin ee waan sooguursaday. dadka inta katagay oo soo guursade an kamid ahay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  9. safiyo says:

    Ahmed swedban adigojoga miyaa kaxareysay dacwada Walal isojawab waa muhim

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. qadan 2 SANO says:

    waxaan ka mid ahay dadka 2da sano waxaa DNA leeyga qaaday hal caruur aan heeystay magareshankii asigoo dhiiga iga qaaday uu 3 bil kadib diidmo ii soo diray kadib maxkamadii maalmo aan u dacwooay maadaama DNA nagala qaaday oo isku wada qooys noqonay kadib maxkamadii maalmo 3 bilood kadib iidana diidmo ii soo dirtay kadib kiis kaas wuu naga xermay mid cusub ayaan xareeyay markeey magagareeshankii naga aamusnaay 9 bilood kadib eey interfiyuu ii soo direen ayakoo i dhahaayo DNA ma niigala baahno ee interfiyuu lee u imaaw kadib markeey 2 bilood ka soo wareegatay eey nagatiif ii soo direen 20 febraayo 2014 kadibna maxkamadii maalmo ayaan u gudbiyay dacwada 14 maarso 2014 weli maxkamadii ayaana ka war sugaayaa wexeeyna nagatiif iigu siiyeen wax cadeeynaayo odaygaada soomaali nimadiisa la imaaw wax walba cadeeyn aan u geeynana ma aqoonsani eey i dhahaayaan insha Alllaaaaaaah qeeeeeeeeyr

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. gusweyne says:

    haye aniga waxaan ka helaa gabdhaha suna gudka ah gabdhaha kacsiga badan waxan ka codsanayaa in eey igu soo darsadaan my skype risaan77

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1