Sweden oo qaxootiga ugu badan ka soo qaaday xeryaha

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa sanadkii tagay ee 2013 waxay xeryaha qaxootiga ka soo qaaday dad gaaraya 1900 qof taasoo Sweden ka dhigaysa wadanka ugu gacanta furan qaarada Yurub.

Wadamada Finland iyo UK ayaa iyagu soo qaaday 750 qof oo keliya. Sweden ayaa ilaa sanadkii 2007 waxay soo qaadaysay 1900 qof sanad kasta, kuwaasoo ah dadka ku jira xeryaha qaxootiga ee ay soo xushay hay’ada UNHCR. Dadkaas ayaa qaarkood yihiin kuwo xanuunsan ama kuwo mudo badan ku jiray xeryaha.

“Sweden si wanaagsan ayay u qabataa arintaan. Aad ayaan uga mahadnaqaynaa in Sweden ay qaabisho dadkaan oo wadamo kale ay diideen” ayay tiri Heidi Boener oo ka tirsan UNHCR. 

Sanadihii hore ayaa Soomaalidu qeyb badan ka ahaayeen dadka laga soo qaado xeryaha balse sanadkaan ayaa Sweden soo qaadaysaa umado kale.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. um alwalid says:

    waad wada salaaman tihiin.
    walaalayaal qof aqbaar ka haayo maleh arintii 2sano ?
    jazaakum alaah qeer sc.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. hassan says:

    siiiiiiiiiiiiiiiiiiiingel ya warkiis haayo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. SUCAAD says:

    ASC AQYAARTA WAAN IDIN SALAAMAY DHAMAANTIN, SALAAN KADIB BARYAHAAN ARINTI 2DA SANO XAGEE KUDANBEESAY DADKI WEEY AAMUSEEN AYAAMAHAN EE SEE WAX UJIRAAN. WALAALAYAAL QOFKII WAX AQBAAR AH HAYAW NALA SOOSOCODSIIYA FADLAN

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. daacad says:

    somali dhamaanteed uf uf aa la dhahey sweden aa dhahdey

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0