Sweden oo qiratay tacadiyada loo geysto qowmiyada Romada

13

Dowlada Sweden ayaa maanta qiratay tacadiyo fara badan oo loo geystay qowmiyada Romada qarnigii tagay iyo kuwa hada socda. Wasiirka Isdhexgalka Erik Ullenhag oo maanta soo bandhigay buug ka hadlaya tacadiyada oo uu ku tilmaamay taariikhda Sweden ee ku aadan Romada mid “madoow”.

Buuga ayaa lagu soo bandhigay sida dowlada Sweden ay qarnigii tagay u samaysay siyaad qaas ah oo ku aadan Romada taasoo ujeedkeeda ahaa in la ciribtiro qowmiyadaan isla markaana loo diido in ay Sweden ku noolaadaan. Siyaasada dowlada ayaa waxaa ka mid ahaa in Romada loo diido iskuulada, guryaha, iyo in ay caruur dhalaan. Xitaa looma ogolayn in ay meel ku noolaadaan 2 isbuuc ka badan.

Romada ayaa guud ahaan qaarada Yurub waxaa lagu sameeyay cunsuriyad joogto ah oo laga mamnuucay adeegyada bulshada iyo in ay la mid noqdaan dadka kale. Ilaa maanta ayaa cunsuriyada iyo takoorka Romada uu yahay mid aad u baahsan oo maalinkasta ka dhaca Sweden.

Arinta qosolka leh ayaa ah in maanta Hoteelka Sheraton oo lagu qabanayay shirka lagu soo bandhigayay buuga uu laftiisa cunsuriyad ku sameeyay haweeenay Roma ah oo ka tirsan dadkii ka soo qeyb galay shirka. Haweeneyda ayaa shaqaalaha hoteelka u diideen in ay fariisato hoolka Quraacda iyadoo cuntada lagu siiyay meel gaar ah. Dhacdooyinka nuucaas ah ayaa ah kuwo joogto ah oo dadka Romada lagu sameeyo guud ahaan qaarada Yurub.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here