Sweden oo safiir u magacowday Somalia

14

Wasaarada Arimaha dibeda Sweden ayaa safiir cusub u magacowday Somalia. Safiirka cusub oo lagu magacaabo Mikael Lindvall Mikael-Lindvallayaa ah nin mudo dheer ka soo shaqeeyay arimaha diblomaasiyada. Maalintii talaadada ayuu warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay madexweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamud.

Wasaarada arimaha dibeda Sweden ayaa boggeeda ku shaaciyay in Sweden ay siyaadinayso xiriirka ay la leedahay Somalia isla markaana ay qorsheynayso in mustaqbalka safiirka Sweden uu si toos ah uga hawl galo magaalada Muqdisho. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Sweden aysan doonayn in safiirka Somalia uu Nairobi kala socdo arimaha. Waxaa lagu sheegay in shaqaalaha iyo safiirku ay waqti ku qaadan doonaan Muqdisho.

Warbixinta lagu qoray bogga Wasaarada Arimaha Dibeda ayaa lagu sheegay in aysan wali xaalada amaanka ee magaalada Muqdisho ahayn mid laysku halayn karo balse sidoo kale ay xaalada amaanka aad u soo hagaagtay isla markaana Somalia ay yeelatay dowlada xaq ah. Sweden ayaa sheegtay in ay hada dajinayso lacagta taageerada ee ay Somalia siinayso shanta sano ee soo socota.

Ugu dambeyntii ayaa wasaarada arimaha dibeda waxay qortay in xiriirka Somalia iyo Sweden ay qeyb weyn ka yihiin Soomaalida ku nool Sweden kuwaasoo qaar badan ay dib u laabanayaan si ay qeyb uga qaataan dib u dhiska dalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here