Sweden oo sharciga u diiday dad sheeganaya in ay diinta Kiristaanka qaateen

15

Magangalyo doon ka soo jeeda wadanka Iraan ayaa Laanta Socdaalka Sweden sharciga u diiday ka dib markii ay migrationsverket-somaliskasheegtay in sheekadooda aysan ahayn mid la rumaysan karo. Dadkaan ayaa waxay yihiin kuwo ka soo cararay Iran iyaga oo sheeganaya in ay diinta Islaamka ka bexeen oo qaateen tan Kiristaanka.

Waxay telefishinada u sheegeen in Muslimiintu ay dilayaan haddii ay ku noolaadaan Iran, balse Laanta Socdaalka ayaa u muuqata mid aan dhag jalaqsi u siinayn sheekadaas. Mowduuca ah in qofku uu diinta ka baxay oo la dilayo ayaa ah mid ka badbatay shaqaalaha Laanta Socdaalka iyaga oo diidmo ka safay dadkaan ka soo jeeda Iran.

Laanta Socdaalka ayaa u sheegtay dadkaan in Iran lagu celinayo oo haddii ay naftooda u cabsanayaan ay yiraahdaan Muslimiin ayaan nahay. Waxay ku doodeen in dalka Iran uu yahay mid toogasho ku xukuma dadka diinta ka baxay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee qof sheeganaya in uu Islaamka ka baxay diidmo la siiyo. Sidoo kale wadanka Norway ayay ka dhacday nin Afghanistan ka soo jeeda in diidmo la siiyay, ninkaas ayaa markii dambe ay isdagaaleen nin Soomaali ah oo uu midi ku dilay.

Daawo Video…

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here