Sweden oo soo dhaweysay geerida Usama Bin Laden

0

Wasiirka arimaha dibada Sweden Carl Bildt ayaa soo dhaweeyay dhimashada Usama Bin Laden oo Maraykanku ay sheegeen in ay shalay ku dileen Pakistan. “Aduun uusan Usama ku nooleyn iyo neceybka uu faafinjiray in ay tahay aduunyo wanaagsan shaki kuma jiro” ayuu yiri Carl Bildt.

Madaxweynaha maraynka Barack Obama ayaa xalay ku dhawaaqay geerida Bin Laden isagoo sheegay in ciidamo gaar ah oo maraykanka leeyahay ay shalay ku weerareen guri uu ku dhuumaayleysanayay oo ku yaala magaalo u dhow caasimaha Pakistan ee Islamabadan.

Si kastaba ha ahaatee quburada waxa loogu yeero argagixisada ayaa ka digay in geerida Bin Laden aysan macnaheeda ahayn in ururka Al Qacida la soo afjaray.

Sweden ayaa qayb ka ah ololaha looga soo horjeedo ururka AlQacida iyo Taliban ee ka socda Afghanistan iyadoo ay ka joogaan 500 askari. Bishii December ee la soo dhaafay ayaa baarlamaanka Sweden u codeeyay in la siyaadiyo tirada ciidama Sweden ee jooga Afghanistan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here