Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa gudi xaqiiqo raadin ah u direysa Galbeedka Afrika ayagoo ku tala jirta in ay Libya ka soo qaadaan 200 qof oo ka mid ah dadka soo galootiga ah ee halkaas ku go'doonsan ka dib wadatashi ay la sameeyaan hay'ada UNHCR. Dadkaan la filayo in la soo qaado ayaa waxaa ku jira Soomaali iyo Ereteriyan. "Hada Libya waxaa ku sugan dad fara badan oo aan Libyan ahayn, kuwaas oo halkaas ku go'doonsan. Muhiimadu waxay tahay in aan isku dayno in aan caawino qaar ka mid ah dadkaas" ayuu yiri agaasimaha Laanta Socdaalka Dan Eliasson. Waxaa la aaminsanyahay in ku dhawaad 10,000 qaxooti aan Libya u dhalan in ay ku go'doonsanyihiin wadankaas oo khaar badan ay ka soo carareen Soomaaliya iyo Eritrea. Dhowr qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay dagaalada ka socda Libya ayadoo wadamada dowladaha leh ay dadkooda kala bexeen Libya balse Soomaalida aan cidna u maqnayn ceelna u qodneyn. Migrationsverket.se

Sweden oo Soomaali ka soo qaadaysa Libya

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa gudi xaqiiqo raadin ah u direysa Galbeedka Afrika ayagoo ku tala jirta in ay Libya ka soo qaadaan 200 qof oo ka mid ah dadka soo galootiga ah ee halkaas ku go’doonsan ka dib wadatashi ay la sameeyaan hay’ada UNHCR. Dadkaan la filayo in la soo qaado ayaa waxaa ku jira Soomaali iyo Ereteriyan.

“Hada Libya waxaa ku sugan dad fara badan oo aan Libyan ahayn, kuwaas oo halkaas ku go’doonsan. Muhiimadu waxay tahay in aan isku dayno in aan caawino qaar ka mid ah dadkaas” ayuu yiri agaasimaha Laanta Socdaalka Dan Eliasson.

Waxaa la aaminsanyahay in ku dhawaad 10,000 qaxooti aan Libya u dhalan in ay ku go’doonsanyihiin wadankaas oo khaar badan ay ka soo carareen Soomaaliya iyo Eritrea.

Dhowr qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay dagaalada ka socda Libya ayadoo wadamada dowladaha leh ay dadkooda kala bexeen Libya balse Soomaalida aan cidna u maqnayn ceelna u qodneyn.

Migrationsverket.se

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. Abdikariim says:

    Dowlada sweden waku mahadsantahay cawinta dadka somaliyed maxa yelay dal kasta dadkisa wa qatay marka laga rebo somalida markan sweden mahadsanid ayan leyahay somali wa dhibanayasha 21 sano lasodhafay ee dunidan casriga ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. mahamed says:

    swedan waa ay mahadsan tahay 100% waxaana ka rajeen doonaa in ay soo qaadan doonto soomaali fara badan in sha alaah why somalida waa ay kurbeysan tahay idoo kurba uga soo tagtay wadan keeda oo mudo 21sano dhibaato aafeysay ayaa haatan neh ku hesata dhibaatadii ay wadan koodi uga soo tageen mid lamid ahi liibiya marka swedan kun jeer ayaan kuu mahad celiyay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. najma says:

    asc dhamaantina ugu horeya jimcaale waa mahadsan tihiin 100 .masha alaah dad an lo maqneyn alle uu maqaan ilahey ayaa oga soo qadaay.tan kowaad
    taan labadna swidan
    wey mahadsan yihiin.wanaagey no sameynayaan.halaha no dhimana alle hanoga soo qado.ille somali waa dad noloshodi noqadaay qaxootinima iyo dagaal an lehey final.lakiin weyska dhamaandono.insha alaah.igana rali noqda

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. hargaysa says:

    ookaalaya waamaxay swedan waxay kudhaqmayso dadnawaysooqaadaysaadadna waydiidaysaamaxay kudhacday sanad ayaan wali sugaynaa jawaabtii maxkamadee war jimcaalaw sidaasimaxaqbaa kajawaab caruurtaydii ayaalaydiidee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. ciise says:

    asc dhamaan qorayasha wabsetka somaliska,salaan ka dib soomaalida sweden ku nool ha dag dagina sugtana go.aanka 4ta mey 20011 waxaana rajeynayaa in go;aanka maalintaas aanu sugeynouu ahaado mid dan u ah soomalida jogta sweden iyo kuwa afrika jooga,waxaase iga xasuusa abayasha iyo hooyooyinka joga gudaha sweden amaba jooga qaarkood afrika in ey alle ka cabsadaan kuna kala dambeeyaan sharciga islaamka ,waana in waalidiintu aysan isku dayin in waalidiinta midbna kan kale uusan ka jarin xiriirkooda waalidnimo , waalidkii arintaas kala xirnaanta waalidka iyo carurtiisa in taasi ay ahaan karto khalad weyn oo ku xun shareeacada islaamka maxaa yeelay waalid iyo caruurtiisa oo laka xayiro waa dami ka mida dambiyada waa weyn oo carada rabi ay ka imaan karto ,dhaldhalaalka sweden iyo ceyrta yar ee lagu qaato gudaha sweden yesan nasirin waana in rabiga awooda sare leh aanu ka cabasanaa wabilaahi towfiiq…

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. dublin says:

    sweden waa f**king dad ayay celinayaan malin walbo oo aya dhahaayaan dunlin aa tahin dad waxey dhahayaan waa soo qaadeynaa run ahanti maka xumin dadka laga soo qaadaayo liibiya mise africa lkin sweden ama dalal yurub waxa ay dhahhaan waxaan aan dhoornaa xaquuqda iska saanka lakin midaas waa mid xaqiiqda ka fog xaquuqda ayayba ku tuntaan dad ka neh sida banooniga cml ayay ugu dheelaan wasaqiin dheh lkin midas waa mid aan anaga gacmaheena kula imaaney oo maa ahan mid aan cid ku eedeyno wayo wadankaado ayay wax ka soo saarteen anaga neh keena ayaa duminynaa mid kale neh waaa u soo ordeynaa ooo waa gacmaha ayaa u hoorsaneynaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. cabdiraxman says:

    asc dhaman somalida booqato webkan salan kadib aad ayaan uqiirooday markii aan aqriyay maqaalka uu qoray dublin magaca qofka adeegsaday waa runtii fikir sax ah ow dhiibtay runtii somaliyay waxan idiin sheegaa runtii qofkii usoo hajiray wadan gaalo alah subxanhau watacaalaa wa ucaraysanyahay alah subxaanahu watacaala rali kama aha in kufaarta loo soo hijroodo marka somaliyay ogaada dhibka somaliya ka jira majoogsanayo ilaa aad wadankiinii aad ku soo labataan oo kitaabkii ilahay ku dhaqantaan marka alle umad ow unaxariisto ayaad noqonaysiin ugu danbayn iga raali noqda dhaman wixiin qalday shaydan xagis ayay ka ahaaadeen wixxin saxay ale ayaa ifajiyay oo mahad leh asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0