Sweden oo Soomaali ka soo qaadeysa Dhadhaab

8

Gudi ka socda Laanta Socdaalka Sweden (Migratonsverket) ayaa xerada qaxootiga ee Dhadhaab kula kulmay 349 qof oo Soomaali ah kuwaasoo loo diyaarinayo in la keeno Sweden. Sanadkasta ayaa Sweden xeryaha qaxootiga ee ku kala yaal caalamka waxay ka soo qaadataa 1900 qof iyadoo sanadkaan tiradaas inteeda badan loo qorsheeyay Geeska Afrika.

“Waloow aanan dabooli karin baahida weyn ee ka taagan xeradaan, balse waa fantastik haddii aan caawin karno in ka badan 300 qof oo aan ka saari karno caqabadaan” ayuu yiri agaasimaha Laanta Socdaalka Dan Ellisson.

Dhadhaab ayaa lagu sheegaa xerada qaxootiga ee caalamka ugu weyn iyadoo ay ku nool yihiin dad ka badan 320,000 kuwaasoo u badan Soomaali. Sweden ayaa noqoneysa sidoo kale wadanka ugu horeeya ee gacan u fidiya qaxootiga Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Libya.

Si kastaba ha ahaatee dadkaan la soo qaadayo ayaa marka hore waxay mari doonaan barnaamij wax looga barayo Sweden inta aysan soo duulin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here