Sweden oo Soomaali ka soo qaadeysa xeryaha qaxootiga

11

Sweden ayaa sanadka 2011 ka soo qaadeysa qaxooti Soomaaliyeed xeryaha ku yaala Kenya iyo Jibuuti. Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in ahmiyada la siinayo sanadkaan geeska Afrika ayadoo dadka ugu badan ee la soo qaadayo ay yihiin qaxootiga ku jira xeryaha  ku yaal dalka Jibuuti.

Sweden ayaa guud ahaan caalamka ka qaadan doonta 1900 qof oo qaxooti ah ayadoo kala bar dadkaas laga soo qaadi doono geeska Afrika sida Somaalida, itoobiyaanka iyo Ereteriyanka. Dadkaan la soo qaadi doono ayaa ah kuwa haysta waraaqaha hay’ada UNHCR.

Sweden ayaa sanadkasta xeryaha qaxootiga ka soo qaada tiro dad ah, arintaan ayaa waxaa go’aamiyaha baarlamaanka Sweden. Sanadkii la soo dhaafay ayay Sweden sidoo kale soo qaaday boqolaal Soomaali ah.

Migrationsverket.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here