Sweden oo u baahan in ay qashin soo iibsato

12

Sweden ayaa la filayaa in ay u baahato in ay qashin ka soo iibsato wadamada kale si ay u sii shaqeeyaan warshadaha qashinka u badala korontada.

Lacag badan ayaa Sweden waxay horey u galisay warshadaha qashinka u badala korontada iyo kulka balse waxaa muuqata in warshadahaas ay ku yaraatay qashinkii ay u baahneeyeen si ay u shaqeeyaan. Shacabka Sweden ayaa la sheegay in aysan qashin badan abuurin taasoo keentay in Sweden ay u baahato in wadamada kale ee qashinku ku badanyahay ay ka soo iibsato.

Warshadaha Sweden ayaa hada waxay isticmaalaan 5.5 milyan oo ton oo qashin ah balse waxaa la filayaa in ay u baahdaan ilaa 30 milyan oo ton oo qashin ah sanadaha soo socda kaasoo aan laga heleyn wadanka gudihiisa.

Iyadoo wadamada qaarkood ay la ciirciirayaan qashinkooda oo ay la yihiin meel ay geeyaan, ayaa dhinaca kale Sweden u baahantahay in qashin ay soo iibsato. Yaa diyaar u ah in uu Soomaaliya qashinka ka soo raro oo Sweden ka iibiyo???

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here