Sweden sideen ugu Noolaada? (Barnaamij taxane ah)

14

Asalamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabrakaatuhu :

Salaan diirran ayaan dhammaan hawlwadeenada bogga somaliska.com. Gaar ahaan Jimcaale , aadbaan ugu farxaa markaan daalacdo mareegtaan bulshada soomaaliyeed ee Iswiidhan,wararka dhexdeena ah yaan ku kala qaadanaa.

Waxbarasho heer sare ahna ka socoto isla markaana bulshada talooyin wax ku oola ka daalacdaan. Arimahaa ayaa igu dhiirigeliyay, iina sahashay inaan la qaybsado walaalaheeyga talo, iska markaana mida waaluhu soo gudbiyaana ka daalacdo.

Inbadan markaan dheehday bulshadeena Soomaaliyeed ee Qurbaha gaar ahaan reer Sweden, ayaan gartay ineey lama huraan tahay qof walba wixii uu walaalkii kale kula talin karo inuu u sheego ineey lama huraan tahay, tusaale walaalkii wadanka 15 sano joogay haddii uu la taliyo kuwa gadaashii yimaada wax badan ayay ka faa’iidayaan.

Kuwaa cusubna hadhoow waxay ku dhiiranayaan ineey la taliyaan kuwa ka danbeeya ee imaanaa ama yimid markaa. Qofkeena maanta soo caga dhigtay wadanka waa inuu helaa , talo iyo jihayn toosan. Ardaygeena Jaamacada dhiganaa waa inuu la taliyaa , midka Dugsiga sare dhiganaa, kan D.sare dhiganaana waa inuu la taliyaa midka D.dhexe dhiganaa, keena SAS-ka (Svenska för Andra Språk) dhiganaana waa inuu la taliyaa midkeena SFI-ga (Svenska för Invandrare) dhiganaa, waa hubaal markaa inaan noqonayno bulsho liibaanta.

Bulshadeena soomaaliyeed dhaliilaheey leedahay waxaa ka mida, isagama digto qataraha markaa jira ama wax kama qorto dhacdooyinka kuwooda xumaa ama wanaagsanaa.

Tusaale :-da’yarteenii Soomaaliyeed wiilal iyo gabdhaba , Tahriib ayaa lagu ibtileeyay, kuwa boosaaso ka baxay inteeysan Yemen gaarin baddii ayaa Yaxaas badeed ku cunaa ama doonta laga tuuraa, ama waaba qalibmayaan, inyar maahan e. Intii yareed ee ka badbaaday shilkaa halista ah kuwii Boosaaso joogay uma digayaan, ee waa nabad tagnay ayay leeyihiin saxaraha ayayna afka sii saarayaan.

Marka qayb yar maahan e intii kale saxaraha lama degaanka ah ku le’daan, intaa yare e Liibiya tagtay kuwa Yemen kazoo baxaa ugama digaan dhibka saxaraha sidoo kale kuwa Malta joogana kuwa Liibiya jooga uma digayaan, xitaa inaga qurbaha joogna kuwii Dalkii joognay uma digno, ee sidaan ugu soo ibtilayn lahayn qaxootinimo iyo qurbo ayaan u istaagnaa, dalkiina uga soo faarujin lahayn inta ku hartay, haddaad qofka soomaaliga waydiido, su’aal ah Qurbaha intee ku ganacsantahay wuxuu leeya, Allaha iga wado balaadaya , haddana wuu soo wadaa dadkii ka danbeeyay.

Talo la’aantaana waxay na dhaxalsiiday in qof walba dhibkii soo taabto . Sheekho aanan wada xasuusan ayaa ahayd : Seddex ninoo soomaali ah, ayaa moqor ( god geedaha ku dhexyaal oo surta/malabka laga jabsado ) isi soo dul taagay. Midkii ugu horeeyay ayaa is dhahay yaysan ragaan godka caganta kaa hor gelin ee malabka soo cantoobto, nasiib daro abeeso godka ku jirtay ayaa farihii ka qaniintay. Xanuun awgeed goowsaha ayuu isku qabtay , oo gacantii gadaal marsaday. Wuxuuna ku yiri , waryaada suraan/malab  soo cantoobsaday, kii labaad ayaa gacantii u xawishay godkii see sidiiyaa ku dhacday, isna sidii kii hore ayuu kii danbe ku sameeyay.

Midkii seddexaadna gacantii ayuu u dirsaday godkii oo isna abeeskiiyaa goostay Dantu waxay biday ineey is waraystaan ileen nin walba faraa maqan, halkaa ayay seddexdoodii ku talo beeleen, Aqristoow ka waran haddii kii hore u sheegi lahaa dhibka yaal godka ?

Dabdan wuxuuba heli lahaa caawimaad oo ragaan caafimaadka qaba ayaa caawin lahaa, hase ahaatee hadda isma caawin karaan oo nin walba waa dhaawac halisa oo waa sumoobeen. Aad ayay muhiim u tahay in qof walba walaalkii wuxuu ku dhaamo ama waayuhuu u soo joogay uga waramo, maahan in caqli qof kale ka maqan loo buuxinaa. Balse waa midkeen , haddii uu ka war qabo magaalo xaalkeed, ama iskool, ama goob shaqo kan ka danbeeya ha u sheego.

Arimahaan kor kusoo xusay awgood ayaan jeclaystay inaan walaalaheeyga u soo gudbiyo

( 6 Maqaal/Talo ) wixii Alle iga haleeshiiyo.

Aqoontiyo waayo aragnimadu waa iska yartahay , waxaanse rajaynaa in walaalo badan dhiira gelin u noqon doonto insh’Allah talooyin wax ku oolana noo soo qadimi doonaan Insha’Allah.

Lixdaa maqaal waxay kala yihiin sida tan .

1: Sweden sidee ugu noolaadaa : Talo siin qofkaan weli is dhiibin .
2: Sweden sidee Ugu Noolaadaa : Sharciga markaa qaadato , magaaladaa u Guuree maxaa ugu Xilanee .
3: Sweden sidee sugu Noolaadaa : SFI-ga markaan billaabo siddeen haddiiba u dhameeya .
4: Sweden sidee ugu Noolaadaa : SAS-ka iyo maadooyinkiisa .
5 : Sweden sidee ugu Noolaadaa : Ribo la’aan waxbaro shaqaysana .
6: Sweden sideen ugu noolaadaa : Halkee ilmaha Diintooda ku xifdisan karaa?

Mid walba gaarkiisa ayaan u soo qori doonaa Insha’Allah , maantana midkaa aqrisaday wuxuu ahaa Hordhicii iyo gogol dhigii 5 taa Maqaal.

W.Q. Bashiir Macalin Cali ( AbuXudayfah )
E-mail: bishaarali22@hotmail.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here