“Sweden waa in ay aqoonsataa Somaliland”

72

Sidaas waxaa qaba Amir Adan oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Sweden oo ku matala xisbiga Moderaterna. Mowduuc uu ku qoray wargeyska Svenska Dagbladet ayuu ku bilaabay Amir Aden in Somaliland ay u dabaal dageyso 20 sano oo nabad iyo dimoqraadiyo ah oo la joogo waqtigii Sweden ay hogaanka u qaban lahayd dadaalada lagu aqoonsanayo Somaliland.

Amir ayaa qoray in Somalia marka la soo qaado dadka Yurub ku nool ay la xiriiriyaan burcad badeed, argagixiso iyo dagaal sokeeyo, caalamka ayaa qarash badan ku bixiyay isku dayga nabad looga dhalinayo Soomaaliya balse waxaa iska cad in isku daygaas uusan wax miro ah soo saarin laakiin waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in aan la joojin dadaalada lagu nabadeynayo Somaliya.

Qoraaga ayaa soo qaatay taariikhda Somaliland iyo in mudo 20 sano ah ay kaligood horumar ka gaareen xaga nabada iyo dimoqraadiyada marka loo barbar dhigo wadamo badan oo afrikaan ah. Waxa uu sheegay in Somaliland ay 4 doorasho ka dhacday ilaa aasaskeedii. Amir ayaa sheegay in Somaliland ay ka bixi karto shuruudaha looga baahanyahay in wadan la aqoonsado.

Dowlada Sweden ee hada talada haysa ayaa sanadkii 2007 goaansatay in Somaliland ay si gaar ah ula dhaqmaan markii ay timaado xaga taageerada dhaqaalaha balse Amir Aden ayaa ku baaqay in talaabadaas ay tahay mid dhinaca wanaagsan loo qaaday balse aysan ku filneyn Somaliland ee loo baahanyahay Sweden iyo dowladaha kale in ay aqoonsadaan Somaliland. Waa in lagu abaal mariyaa Somaliland nabada iyo degenaanshaha ayuu ku soo afjaray mowduuciisa.

Haddii aad fikrad ku dareyso mowduucaan fadlan si xushmad leh oo aflagaado la,aan ah uga qeyb qaado. Mahadsanid

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here