Sweden waa wadanka ugu adag in asxaab laga samaysto

5

Daraasad cusub oo lagu sameeyay wadamo badan ayaa soo bandhigtay in wadanka Sweden uu yahay kan ugu adag in laga samaysto asxaab cusub. Daraasada oo uu sameeyay bankiga HSBC ayaa laga qaaday 39 wadan iyadoo ay ka qeyb qaateen dad gaaaraya 21,000 qof oo ajaanib ah.

Sweden ayaa kaalinta koowaad ka gashay qaarada Yurub wadanka ugu adag in asxaab laga samayso, iyadoo kaalinta sadexaad ka gashay aduunka, oo ay ka horeeyaan Singapore iyo New Zealand oo keliya. Sweden ayaa kaalimaha hore ka gashay dhinaca nolosha, caafimaadka iwm balse xaga asxaabta ayay ku liitaan Swedishku.

Daraasada ayaa xaqiijinaysa cabashada ugu weyn ee ay qabaan soo galootiga ku nool Sweden, kuwaasoo dhibaato ku qaba in ay xiriir la sameeyaan dadka Swedishka ah oo ay asxaab la noqdaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here