Sweden waa wadanka ugu diimaha neceb aduunka

Baaritaan lagu sameeyay dadka iyo diimaha aduunka ayaa waxaa lagu soo bandhigay in wadanka Sweden uu yahay kan dadkiisa ay ugu diinta yaryihiin. 8 ka mid 10 kii qof ee Sweden ku nool ayaa sheegtay in aysan wax diin ah haysan ama ay yihiin kuwo aaminsan in uusan Allah jirin.

Baaritaanka oo laga sameeyay dhamaan wadamada caalamka oo ay samaysay shirkada Gallup ayaa lagu soo bandhigay in Sweden uu yahay wadanka ugu diinta yar. Wadanka Thailand ayaa noqday kan dadkiisa ay diinta aad ugu dheganyihiin. Sidoo kale waxaa kaalintaas Thailand la qaybsaday Morocco, Bangladesh iyo Georgia.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa warbixinta lagu sheegay in dadka xaadiraya masaajida ku yaala Sweden in ay kor u keceen, taasoo ay sabab u tahay Muslimiinta ku soo badanaysa wadanka. Waxaa kale oo la sheegay in inkastoo aysan dadka Sweden aaminsanayn wax diin ah, hadana ay haystaan caadooyinka Kiristaanka sida Lucia, Christmaska iyo kuwa kale.

Swedishka ayaa aaminsan in diintu ay tahay arin qaas ah, oo aan jeclayn in ay dadka kala hadlaan arimaha diimaha.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. luul says:

    asc
    ayaga wexey aamin san yihiin humaniska människosyn taasina waa baadi alle ha soo hadeyo ayan leenahay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. asmaa says:

    subxaana allaah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Alle Ka Baqe Bini Aadam Kama Baqe says:

    Sawirka Kaniisadda Maxaad usoo Galisay Sxb ? Masaajid Sawirkiisa Hadaa Soo Galiso Malagu Cadaaba ? Alle Ka baq ee Sawirka Meesha Ka Qaad Ama Masaajid soo Gali Thanks

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0